Greenways ka xaafadu waa wadooyin aan buuq lahayn, oo tartiib loo maro oo ay fududahay in lagu lugeeyo, lagu wado kabaha taayirada leh, baaskiil, ama lagu ciyaaro. Laanta Gaadiidka ee Portland (PBOT) waxay dhisaysaa 25 mayl oo wadooyinka cagaaran ah lagana dhisaayo Bariga Portland waxayna samaysay tartanka “Go By Greenways” si ay uga dhigto wax lagu baashaalo wadooyinka cusub ee laga dhisaayo Bariga Portland.
Waa maxay "Go By Greenways"?
Go By Greenways waa ciyaar dalxiis ah oo aad dheeli karto intaad baranayso wadooyinka greenways ee cusub ee xaafada Bariga Portland, mid kasoo baxda bari ilaa galbeed oo sii marta NE Holladay, Oregon, iyo wadooyinka Pacific (HOP loosoo gaabsho) iyo mid kasoo baxda waqooyi ilaa koonfur oo marta 130s.
SIDA LOO CIYAARO
Ciyaaristu waa fududahay:
- Arag qariirada si aad u aragto meesha aad ka helayso Jeerta PBOT ee wadooyinka greenways iyo ganacsiyada kuu dhawdhaw.
- Raadi boorka PBOT Zebra (tusaale),
- Fariin qoraal ugu dir erayga muhiimka ah ee ku qoran boorka 319-96, waxaana si ootomaatig ah laguu galinayaa inaad ku guulaysan karto abaal marinno ay bixinayaan ganacsiyada maxaliga ah.
- Sii wad ku dalxiisida deegaanka oo raadi jeerar kale.
Maxaan ku guulaysan karaa?
- Abaal marinta wayn: $500 oo kaarka hadiyada ood ku galayso Fred Meyer (labo ayaa la heli karaa)
- Abaal marinnada dheeraad ah waxaa ku jira shahaadooyin ay bixinayaan ganacsiyadu sida:
- Lily Market
- La Isla Bonita restaurant
- Kings Omelets restaurant
- Just Tea
- Outer Rim Bike Shop
Citymaxx Food Stores
- ...iyo kuwo kale
Ciyaarta "Go By Greenways" waxay dhamaanaysaa Sibteembar. 20, 2020. Waxaa jiri doona tartano asbuucle ah oo lagu bixinaayo abaal marinno ayadoo ay la socon doonto abaal marinta wayn ee kadib Sibteembar. 20.
Sida aad u arki karto wadooyinka cusub ee greenways ee xaafadaada
Wadada Holladay-Oregon-Pacific (HOP) Neighborhood Greenway iyo Wadada 130s Neighborhood Greenway waxay labaduba ku yaalaan Bariga Portland.
Wadada HOP Neighborhood Greenway waxay ku xirtaa xarunta Gateway Transit xarumaha waawayn ee dukaamaysiga ee ku yaala wadooyinka NE 102nd Avenue and NE Halsey iyo Weidler, inta u dhaxaysa wadooyinka NE 102nd iyo 130th ood ku tagayso wadooyin dagan, aan buuq lahayn oo xaafadaha dhex mara. Labadaba jardiinooyinka Gateway Discovery iyo East Holladay ayaa sidoo kale si fudud lagu tagi karaa marka la maro wadada HOP Neighborhood Greenway.
Muuqaalka koobaad: HOP Neighborhood Greenway
Wadada 130s Neighborhood Greenway waxay isku xirtaa waqooyi iyo koonfur ayadoo sii marta wadooyinka lambarka leh ee ku dhaw 130s oo marta Bariga Portland. Wadadu waxay martaa wadfooyinka 128th, 129th, 130th, iyo 131st oo leh jidad kaladuwan oo wadada ka leexda. Marka lagasoo tago ku ruclaynta wadooyinka dhexdooda, wadada 130s Neighborhood Greenway waxay siinaysaa wado joogto ah, oo fudud oo lagu wado baaskiil ama lagu lugeeyo lagasoo bilaabo marinka 1-84 SE Foster Road, taasoo ku siinaysa wado aan buuq yar markaad baaskiil ku wado bustling 122nd Avenue. Waxay ku xirtaa marinnada baska ee TriMet bus wadooyinka NE Glisan Street, SE Division Street, SE Powell Boulevard, halka ay marinka baska ee MAX ku xirto wadada E Burnside Street. Waxay dadka ugu xirtaa si fudud Dugsiga sare ee David Douglas, iyo sidoo kale dugsiyada Hoose ee North Powellhurst, Lincoln Park, iyo Gilbert Heights. Waxayna marin fudud ka bixinaysaa aaga cagaaran ee ku yaala jardiinooyinka John Luby, East Holladay, Lincoln Park, iyo Gilbert Heights.
Muuqaalka koobaad: 130s Neighborhood Greenway
Iskuday inaad baaskiil ku marto qaybo kamid ah wadooyinkaan greenways adoo raacaaya marinkaan fudud ee 6 mayl ah.
Gaari u raacida Afarta Beerood ee Raaxada ee Bariga Portland
Daryeel dariskaaga adoo raacaaya Tilmaamaha Badqabka ee COVID-19
- Kafogoow 6 fiid dadka kale
- Xiro maaskaro
- Gudaha hakasoo bixin haddii aad jiran tahay
Buuxi xog aruurinta
Neighborhood greenways way ka badan wado caadi ah. Khibradaha PBOT ka baratay dhisida wadooyinka, waxaan aragnay qaabab badan oo xubnaha bulshadu ay ku abuuraan isgoysyadooda riinjiyaynta, bandhiga farshaxanka, ama qabashada munaasabadaha iyo mashruucyada waawayn ee bulshada.
Ka qaybgal xog aruurinteena si aad noogu sheegto waxa aad doonayso inaad ku aragto wadaada greenway.
Waxaad xog aruurintaan ku buuxin kartaa Af-Soomaali adoo ka dooranaaya luuqada dookhyada hoose ee qaybta sare ee bogga xog aruurinta: