Ambaqaadka Wadooyinka Nabdoon

Information
Slow Streets Greenway map

Xafiiska Gaadiidka ee Portland (PBOT) wuxuu bilaabay barnaamij cusub oo loogu magac daray Ambaqaadka Waddooyinka Nabdoon (Safe Streets Initiative) si looga jawaabo dhibaatada cudurka Covid-19 ee caafimaadka Dadweynaha. PBOT waxay isbedel kumeelgaar ah ku sameyneysaa waddooyinka magaalada si ay dadka u siiso meelo badan oo bannaan oo ay ku lugeeyaan, ku wadaan baaskiil, ku wadaan gaari, ganacsi ku sameystaan, iyo ku dhex wareegaan xaafaddooda. 

MAXAA KU SOO BEEGAY IMMINKA 

Xafiiska PBOT wuxuu taageeraa fayo-qabka caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshadayada. Waa tan sababta aan u raadineyno isbeddeladaan imminka, iyadoo lagu dhex jiro dhibaatooyinka caafimaadka dadweynaha: 

  • DADKA WELI WAXAY U BAAHAN YIHIIN SAFARADA MUHIIMKA AH IYO INAY TAGAAN GOOBTOODA SHAQO. Tani waxay khuseysaa SHAQAALAHA FURIMAHA HORE, dadka bixinaya adeegyada gurmadka degdega ah, iyo dhammaan shaqaalaha kale ee laamaha muhiimka ah.

  • LUGEEYEYAASHA IYO BAASKIILAYDA ayaa laga yaabaa inay ku adkaato inay masaafo isku jirsadaan marka ay marayaan marshobiyeediyada iyo waddooyinka saxmadda badan. 

  • IN KA BADAN 1/3meelood Reer Portland ayaa ku nool goobo ay yar tahay ama aan laheyn meel bannaan oo furan, sida duddooyinka. Tani waxaa ka dhigantahay ma laha meel lagu ciyaaro ama lagu nasto bannaanka, taasoo muhiim u ah caafimaadka jirkayaga iyo maskaxdayada. 

  • GANACSIGA wuxuu u baahan yahay habab LOO SAHLI KARO MASAAFO ISKU JIRSASHADA. 

  • Haddii tilmaamahaan caafimaadka bulshada ay weli jiraan kadib marka amarka guri-joogidda dhammaado, tani waxay ahaan doontaa mid muhiim ah. 


MAXAA NA HAGAYA 

Xafiiska PBOT wuxuu ka dhagaysanaysaa khubarada caafimaadka dadweynaha wax ku saabsan sida loo joojiyo faafida cudurka corona fayras iyo gacan ka geysashada soo-kabashada dhaqaalaha. Xafiiska PBOT wuxuu ka jawaabi doonaa xaaladaha isbeddelaya, laakiin tani waa xeeladayada na hagaysa: 

  • KU DHIIROGELI DADKA INAY JOOGAAN GURIGA & BADBAADIYAAN NOLOL. Xafiiska PBOT wuxuu bixin doonaa adeegyada gaadiid-raaca ay Reer Portland ugu baahan yihiin safarrada muhiimka ah. Marka aan sidaasi sameynayno, waxaan hubin doonnaa in xubnaha bulshada ee halista sareysa ugu jira u baylah noqoshada inay leeyihiin fursado badan si ay ugu socsocdaan si badqab leh.

  • U DIYAARGAROW SOO-KABASHO DHAQAALE & DIB-U-MAALGASHI. Xafiiska PBOT wuxuu rabaa inuu dhaqaalo geliyo bulshooyinka badan ee kala duwan ee Portland iyo ganacsiyada sida adag u saameeyay cudurkan faafa. Tani kaliya ma caawinayso bulshadayada imminka, balse soo-kabashada socota.

  • TAAGEER MASAAFO ISKU JIRSASHADA DADKA EE WADDOOYINKAYAGA. Marshobiyeediyada iyo waddooyinka saxmadda badan, xafiiska PBOT wuxuu u sameyn doonnaa meel bannaan oo dheeraad ah masaafo isku jirsashada. Tani waxaa ku jira meel bannaan oo dheeraad ah oo loogu talagalay qaaddida iyo gaysmada ganacsiyada, iyo meel macaamiishooda saf ku galaan.

  • KU HORSEED QIYAMYADA IYO HIMILOOYINKA PORTLAND. Wax kastoo aan sameyno, xafiiska PBOT wuxuu sii wadi doonnaa inuu kor u qaado himilada magaaladayada si kor loogu qaado sinnaanta oo wax looga qabto dhibaatooyinka cimilada.  


SIDA AY U SHAQEYN DOONTO 

  • WADDOOYINKA XASILLOON EE TARAAFIKADA YAR LEH. Xafiiska PBOT wuxuu u beddeli doonnaa waddooyinkayaga taraafikada yar (loo yaqaano “neighborhood greenways”) “geli karaan kaliya gaadiidka dadweynaha.” Tani waxay caawin doontaa ku xaddidida gaadiidka safarada ama geysmada muhiimka ah. Waxay sidoo kale ka dhigi doontaa waddooyinkaan kuwo ay geli karaan cid walba, bixinaya meel bannaan oo laga baxo iyadoo la joogo guriga meel u dhow.

  • WADDOOYINKA NABDOON EE MASHQUULKA AH. Waddooyinka iyo marshobiyeediyada mashquulka ah, xafiiska PBOT ayaa isbeddelo ku sameyn doonna si loo bixiyo meel bannaan oo dheeraad ah iyo si loogu fududeeyo dadka inay isku jirsadaan 6 cag.

  • DEGMOOYINKA GANACSI EE CAAFIMAAD-QABKA BADAN. Xafiiska PBOT wuxuu taageeri doonnaa “waddooyinka halbowlaha” ee ganacsiyo badan isagoo bixinaya meel bannaan oo dheeraad ah ee qaaddida ama geysmada, iyo sidoo kale goobaha loogu talagalay macaamiisha inay saf ku galaan si ay u qaataan waxa ay gataan.

  • DHIIROGELINTA ISKAASHIGA. Had iyo jeer, xafiiska PBOT wuxuu xusuusin doonaa bulshada in waddooyinkayaga ay naga wada dhexeeyaan, haddii aad lugeynayso, baaskiil wado, gudbeyso, ama gaari wado.

  • WADAXIRIIRKA. Isbeddelladaan si dhaqso leh ayaa loo soo rogayaa inta lagu dhex jiro dhibaatada. Waxaan rabnaa inaan kaa maqalno sida isbedeladaani ay adiga kuu saameynayaan, iyo sida aan ula jaanqaadi karno habkayaga si aan horay ugu sii socono.


NALA SOO XIRIIR 

Sidee ayuu barnaamijkani u socdaa? Ma jiraan goobo kuwaasoo adiga, ganacsigaaga, ama bulshadaada aad ugu baahan tihiin meel bannaan oo dheeraad ah masaafo isku jirsashada? Wac 503-823-7233 or iimayl u dir safe@portlandoregon.gov

Magaalada Portland waxay xaqiijineysaa helitaan la taaban karo ee barnaamijyada magaalada, adeegyada, iyo waxqabadyada si loogu hoggaansamo shuruucda Xuquuqda Madaniga Cinwaanka VI iyo ADA Cinwaanka II waxayna si macquul ah u bixisaa: fasiraad, turjumaad, wax-ka-beddelyo, dejin, qaabab kale, maqal/hadal-kaabyo iyo adeegyo. Si aad u codsato adeegyadaan, la xiriir 503-823-5185, City TTY 503-823-6868, Adeegga Gaarsiinta: 711