information
Most City offices closed Wednesday, June 19, to observe Juneteenth

The City of Portland recognizes Juneteenth as a formal day of remembrance to honor Black American history and the end of slavery in the United States. Learn about Juneteenth.

Portland Sunday Parkways ee Xaliga 2024

Information
A Portland Sunday Parkways web banner featuring 2024 dates and an image of two bike riders on the left and a boy hula hooping on the right.
Portland Sunday Parkways oo ay soo bandhigayso Kaiser Permanente ayaa ku dhawaaqaysa xilligeedii 2024 oo muujinaya saddex munaasabadood oo fool-ka-fool ah.
On this page

Portland Sunday Parkways ee Xaliga 2024  

Iska diiwaan geli Wargeyska Sunday Parkways 

U diyaar garoow inaad soo qaadato baaskiilkaaga, aadna adkayso xargaha buudkaga, aadna nagula soo biirto soo noqoshada aadka loo sugaayay ee xili ciyaareedka 2024 ee Portland Sunday Parkways! Sannadkan Portland Sunday Parkways oo ay soo bandhigayso Kaiser Permanente ayaa dib u booqanaysa East Portland Bisha Maajo 19, Northeast Cully bisha Juun 16, iyo Southwest Multnomahbisha Sibteembar 22.  

Adeegyada Portland Sunday Parkways waxaa ku jira munaasabado diirada saaraaya bulshada kuwaasoo hormarinaaya xaafadaha si ay u noqdaan aaga barqaada ah ee ka caagan gaariyaasha, dhiiri gelinaysa nolosha jimicsiga leh, wada shaqeynta bulhsada, iyo gaadiid la isku halayn karo. Barnaamijkaan, oo ay aasaastay Waaxda Gaadiidka ee Portland (Portland Bureau of Transportation, PBOT), ayaa noqday dhaqan lagu faano, asagoo isku keena dadka deegaanka, ganacsiyada maxaliga ah, iyo martida khibrad gaar ah oo isku dhafan oo banaanka ah taasoo ay ku jiraan shabakada wadooyinka xaafadaha ee cagaaran iyo kaabeyaasha kale, beeraha raaxada, iyo khayraadka bulshada.    

Barnamijkaan ayaa lagu soo celiyay munaasabadaha tooska loo tagaayo sanadkii 2023, ayna la socdaan abuurista qaab cusub. Munaasabada wado kasta ayaa diirada saaraysa xaafad kamid ah Portland muddo dhawr sano ah si ay uga caawiso maalgashiyada iyo iskaashiyada la samaynaayo. Waxaa intaas dheer, wacyi gelinta bulshada oo dheeri ah ayaa la gaaraa sanad kasta taasoo keenaysa in dad badan ay ku lugeeyaan, baaskiil ku wataan, kabaha taayiro leh ku maraan, ama ku ciyaaraan wadooyin amaan ah oo raaxo leh uu furan. 

Waa kuwaan yoolalka barnaamijka ee 2024 oo leh higsi cusub: 

  • Mudnaan siinta xaafadaha maxaliga ah kuwaasoo aan matalaad ku filan ka heli jirin Portland Sunday Parkways. 

  • Kor u qaadista ururada maxaliga ah iyo ganacsiyada ka shaqeeya xaafadaha kuwaasoo aan matalaad ku filan ka heli jirin Portland Sunday Parkways. 

  • Muhiimad saarida dadka reer Portland si ay u helaan wadooyinka cagaaran iyo kaabeyaasha kale si loo dhiiri geliyo lugaynta, baaskiil wadista, iyo ku socoshada kabo taayiro leh sanadka oo dhan.  

  • Abuurista fursado loo siman yahay, la heli karo, oo amaan ah u ah dadka reer Portland si ay iskugu dayaan inay lugeeyaan, baaskiil wataan, ama kabo taayiro leh ku socdaan markii koobaad.  

Qaababka aad Uga Qaybgalayso Portland Sunday Parkways  

Ruuxda Portland Sunday Parkways waxay had iyo jeer ka timaadaa dadka ka qeybta ah munaasabadahan, laga bilaabo mutadawiciinta u heellan ilaa iibiyeyaasha deegaanka iyo madadaalayaasha cajiibka ah, illaa deriska aan la wadaagno waddooyinka, waxaanna sugi la'nahay inaan si wadajir ah ugu dabaaldegno bulsho iyo wadooyin furan.   

Nala wadaag fikirkaaga si aad u hesho abaal marinta Sunday Parkways!  

Nala wadaag fikirkaaga adoo buuxinaaya xog uruurinteena kahor munaasabada. Tani waa fursad aan ku qaabaynayno mustaqbalka barnaamijkaan aana ku xaqiijinayno in munaasabaduhu ay ka turjumaan baahiyaha iyo doonisyada bulshadeena kaladuwan. Waxaa intaas dheer, waxaad helaysaa fursad aad ku guuleysan karto abaal marinta Sunday Parkways oo aad ku helayso sheegista fikirkaaga. Xog uruurinta ayaa sii shaqeyn doonta ilaa Maajo 17, 2024. 

Qayb ka noqo dabaal-dega  

Dabaal-degyadaan balaaran ee bulshada ayaa keliya ku suurtageli kara taageerada mutadawiciinteena cajiibka ah. Kamid noqo boqolaal dad ah oo naga caawinaaya ka dhigista munaasabadahaan kuwo baashaal iyo badqab leh. Waxaad nagula wadaagi kartaa si shaqsi ah ama adoo koox kamid ah. Tooko ayaa soconaysa nus kamid ah munaasabada sidaas awgeed waxaad heli doontaa wakhti badan oo aad oo aad ku barato wadada kuna raaxaysato nashaadaadka bilaashka ah.   

Xog ka ogoow doorarka mutadawiciinta oo isdiiwaan geli 

Keen xirfadahaaga Portland Sunday Parkways   

Ma xiiseynaysaa in ganacsigaaga yar ama ururku ka qaybgalo Sunday Parkways? Ma leedahay xirfad gaar ah oo aad dooneyso inaad la wadaagto bulshada?  

Xog badan ka ogoow noqoshada adeeg bixiye ama jilaaga munaasabada 

Munaasabadaha 2024  

Dooro dalxiiskaaga gaarka ah ee Portland Sunday Parkways! Kaqaybgaleyaasha ayaa lagu soo dhawaynayaa inay ku soo biraan wadada marka aad doonto oo u qaadaan dhanka ay doonaan. Wadooyinkaan munaasabada ayaa si gaar ah loogu sameeyay inay tilmaan ka bixiyaan wadooyinka cagaaran ee xaafada iyo kaabeyaasha kale, beeraha raaxada, iyo khayraadka bulshada. Waxaa jra meelo ku yaala aagga wadada iyo beeraha raaxada ee dhaqdhaqaaqa ganacsigu ku yar yahay, munaasabadaha bulshada, nashaadaadka bilaashka ah iyo damaashaad toos ah.  

Fadlan ogow: Wadooyinka munaasabadaha waa la bedeli karaa; waxaan ku soo qori doonnaa dhammaan wixii ku soo kordha mareegteena iyo baraheena bulshada. 

Munaasabada Bariga Portland - Axada, Maajo 19, 2024 

Map of the Sunday Parkways event in East Portland on May 19, 2024 noting the 3.3-mile multimodal route, and where car traffic can cross. Map features the parks on either end of the route and in the middle: Gateway Discovery Park, Ventura Park, and Lincoln Park. Details of these routes and car crossings are in the body text below this image.

Wadada 3.3 mayl ah ee hoos iyo gadaal aada ee Bariga Portland waxay mari doontaa Gateway Discovery Park, Ventura Park, iyo Lincoln Park. Ka biloow meesha aad doonto wadada oo baaskiil ku wado, ku lugee, ama kabo taayiro leh ku soco adoo ku soo wareegaaya sadexda beeraha raaxada ee wadadu marayso. Ku raaxayso nashaadaad iyo madadaalo bilaash ah adoo iskaga kala gooshaaya beer ilaa beerta kale inta u dhexaysa 11 a.m. ilaa 4 p.m. Fariin qoraal ugu dir "EAST” lambarka 888-520-0526 si aad u hesho xogaha munaasabada! 

Booqo bogga Munaasabada Bariga Portland 

Munaasabadaha Waqooyi Bari Cully - Axada, Juun 16, 2024 

Map of the Sunday Parkways event in Northeast Cully on June 16, 2024 noting the borders and four city parks along the route, and where car traffic can cross. The 6.2-mile route features Fernhill Park and Khunamokwst Park on the western loop and Wellington Park and Roseway Park on the eastern loop. Details of these borders and car crossings are in the body text below this image.

Wadada 6.2 mayl ah ee Waqooyi Bari Cully ayaa si wayn u korortay ayadoo qofku kasoo baxaayo waqooyi ilaa astaanka koonfureed kaasoo ku yaala wadada Fernhill Park, Kʰunamokwst Park, Wellington Park, iyo Roseway Parkway. Haddii aad dareento cakirnaan, xaqiiji inaad nasato oo ku raaxaysato qaar kamid ah nashaadaadka iyo madadaallada bilaashka ah ee beer kasta ka socota inta u dhexaysa 11 a.m. ilaa 4 p.m. Fariin qoraal ugudir “CULLY” lambarka 888-520-0526 si aad u hesho xogaha munaasabada. 

Booqo bogga munaasabada Waqooyi Bari Cully 

Munaasabada Koonfur-galbeed Portland - Axada, Sibteembar 22, 2024 

Map of the Sunday Parkways event in Southwest Portland on Sept. 22, 2024 noting a 2-mile multimodal route and the 1.5 mile walking route, and where car traffic can cross. Map features Gabriel Park, the Multnomah Arts Center, Multnomah Village, and Spring Garden Park. Details of these routes and car crossings are in the body text below this image.

Waddada Koonfur-galbeed Portland waxa ay ka kooban tahay 2 mayl waddo noocyo badan ah oo ay la socoto wado gaar ah 1.5 mayl ah oo lagu lugeeyo. Ku tamashlee Barxadda Gabriel Park adigoo lugeynaya dariiqa lugta ee siman ama ku raaxeysa dabaysha timahaaga luli doonta markaad fuuleyso buuraha ka hareero dhow.  Oo marka dad buurahaas xaafada hoos uga dagayso, hubi inaad la socoto xawaarahaaga - oo hubi bireegaaga/fariinkaaga! Fariin qoraal ugu dir “Southwest” lambarka 888-520-0526 si aad u hesho xogaha munaasabada! 

Booqo bogga munaasabada Koonfur Galbeed Portland 

Waa maxay wadooyinka cagaaran ee xaafadu?  

Jidadka cagaaran ee xaafadu waa waddooyin aad u yar oo xawaare yar leh oo ay dadku ku socdaan, baaskiil ku wataan, kabo taayiro lehna ku wataan ayaa mudnaanta la siiyaa. Jidadka cagaarka ah ee xaafadda waxay ka dhigaan u safrida dukaanka raashinka, dugsiga, farmashiyaha ama meelaha kale kuwo raaxo leh oo ay ku baashaalaan dadka lugaynaaya iyo kuwa baaskiilka wata.   

Ma ogtahay in Portland leedahay in ka badan 100 mayl oo ah wadooyinka cagaaran? Portland waxay sii waddaa inay wax badan ku kordhiso meelaha qaarkood oo ay horumariso kuwii hore u jiray! 

Wax badan ka baro jidadka cagaaran ee xaafadda  

Faahfaahinta Portland Sunday Parkways   

Hadafka Portland Sunday Parkways waa in kor loo qaado nolol fir fircoon oo caafimaad qabta iyada oo loo marayo munaasabado bilaash ah oo u furaya goobaha ugu weyn ee magaalada -- oo ah jidadkeeda -- dadka si ay u socdaan, baaskiil ugu wadaan, ugu galaangashaan oo ku raaxaystaan. Portland Sunday Parkways waxay ku dhistaa bulshada isku xidhka, waxay kobcisaa qabka bulshada, waxay kor u qaadaa horumarka dhaqaalaha, waxayna matashaa bulshada, ganacsiga iyo maalgashiga dawladda iyadoo Portland ay ka soo kabanayso masiibada COVID-19.  

Hadafkeenu waa inaan: 

  • Dadka ku xirno jardiinooyinkood iyo ilaha kheyraad ee bulshadooda.  

  • Bixino waxqabadyo lacag-la'aan ah, la heli karo, qoyska u roon oo loo dhan yahay oo ka dhex jira bulshooyinka la gacan bidixeeyo.  

  • Soo bandhingaa hagaajinta kaabayaasha taageerada socodka iyo baaskiil wadida.  

  • Dhiirigelinno dhaqdhaqaaqa jirka si loo kordhiyo caafimaadka iyo fayoobida guud.  

  • Bixinno barnaamijyo ka tarjumaya danaha, kartida, iyo dhaqanka xubnaha bulshada. 

Gelitaanka Portland Sunday Parkways  

Munaasabadaha wadooyinka ee furan ee Portland Sunday Parkway waxay u furan yihiin qof kasta!Image removed.

PBOT waxaa ka go'an diyaarinta barnaamijyada, adeegyada, iyo waxqabadyada la heli karo. Hawlaha Portland Sunday Parkways waxay u furan yihiin dhammaan ka qaybgalayaasha.  Intaa waxaa dheer, waxaan bixin doonnaa waxqabadyo iyo barnaamijyo ka socda ururo iyo soo-jeediyeyaasha sida gaarka ah u taageera, ugu adeega, oo u matala dadka naafada ah.      

Portland Sunday Parkways waxay furaysaa waddooyinka si dadku u helaan farxad iyo ka mid ahaanshaha bulshadooda. Sidaa darteed, nacaybka lagama ogola munaasabadahaan. Waxaan qirsanahay in qof walba khibradiisa waddooyinka magaalada iyo goobaha caamka ah ay kala duwan yihiin, iyo in xubnaha bulshada qaarkood ay halis weyn ugu jiraan inay la kulmaan nacayb ku salaysan midabka maqaarkooda, lab iyo dhedig, da'dooda, naafanimada ama nooca galmadooda. Uma dulqaadanayno hadallada ama falalka naceybka ah ee ka dhaca munaasabadaha Portland Sunday Parkways.   

Waxaan ku martiqaadeynaa dhammaan kaqeybgalayaasheena inay kula dagaallamaan nacaybka jacayl. Halkan waxaad ka helaysaa shan siyaabood oo aad ugu muujin karto jacaylka bulshadaada:  

  1. Soo sheeg dhacdooyinka nacaybka markaad aragto.  

  1. Salaan jaarkaaga (waxaanu jecelnahay dhawaaqa saaxiibtinimo ee gambaleelka baaskiilka!)  

  1. Soo dhawee dhammaan jirka iyo habab kala duwan ee ahaanshaha marka aan u dabaal degayno wadooyinka furan 

  1. La sheekayso daris ama saaxiib cusub 

  1. Wax badan baro oo ku taageer ururada yoolkoodu yahay ka hortaga naceybka  

Su'aalo ma ka qabtaa Portland Sunday Parkways?   

Arag jawaabaha aan ka bixinay Su'aalaheena Inta badan la Isweydiiyo. Waxaad sidoo kale iimeel u diri kartaa portlandsundayparkways@portland…

Su'aalaha Inta badan la Isweydiiyo  

Hel Xogtii ugu Danbaysay 

Noqo kuwa ugu horreeya ee ogaanaya marka aan wadaagno faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadaha sanadkan adiga oo nagala soconayo baraha bulshada, iska diiwaangelinaya warsidahayaga, ama iska qoraaya fariin qoraalkeena hoose.  

  • Instagram  

  • Facebook  

  • Wargeyska   

  • Fariin qoraallada - U dir fariin qoraal kasta oo ay ku qoran yihiin midkood erayada soo socda 888-520-0526 kadibna waxaa xogaha toos loogu diri doonaa taleefankaaga.  

  • "Cully" si aad u hesho xogta munaasabada Waqooyi Bari Cully.   

  • "East" si aad u hesho xogta munaasabada Bariga Portland.   

  • "Southwest" si aad u hesho xogta munaasabada Koonfur Galbeed Portland.