Xogta barnaamij xiliyeedka 2022 Sunday Parkways oo ku qoran Af-Soomaali

Information
Portland Sunday Parkways ee ay bixiso Kaiser Permanente ayaa dib loosoo celinayaa sanadka 2022 ayaddoo labo munaasabadood oo layf ah iyo shan aad iskaa u sameyso qabanaysa.

Munaasabadaha Layfka loo daawaayo ee 2022

Sunday Parkways participants at tents and bike racks

War Farxad leh! Portland Sunday Parkways oo qabanayso Kaiser Permanente ayaa dib loogu laabanayaa si toos ah sanad guuradeedii 15aad! Nagulasoo biir munaasabadaan gaarka ah anagoo furayna wadooyinka laba munaasabadood sanadkaan. Waxaan ku bilaabi doonaa xagaaga munaasabadeena koowaad oo la qabanaayo Axada, Juun 26 laguna qabanaayo Northeast Cully iyo mid kale oo la qabanaayo dhammaadka xagaaga maalinta Axada, Agoosto 21 laguna qabanaayo Bariga Portland.

Munaasabadahaan la tagi karo oo qoysaska ku habboon, wadooyinka laga galo ayaa laga xirayaa gaariyaasha si aad ugasoo gashaan baaskiil, lug, kabo taayiro leh aadna ugu ciyaartaan goobta dadwayne ee ugu wayn Portalnd, wadooyinkeeda. Waxaan abuurnay labo marin oo cajiib ah kuwaasoo muujinaaya shabakadeena wadooyinka cagaaran ee xaafadaha, beeraha nasiinada iyo khayraadka bulshada.

Faahfaahinta munaasabada

Northeast Cully - Axada, Juun 26, 2022 11 a.m. - 4 p.m.

The route map for the Northeast Cully Sunday Parkways event. June 26 2022

Halkaan guji si aad u hesho Khariirada Google ee marinka munaasabada

East Portland - Axada, Agoosto 21 2022 11 a.m. - 4 p.m.

2022 East Portland Sunday Parkways Route

Halkaan guji si aad u hesho Khariirada Google ee marinka munaasabada

Fadlan ogoow: Marinnada munaasabada ayaa isbadali kara, waxaan soo gelin doonaa dhammaan wixii soo kordha halkaan webseedkeena.

Qaybaha munaasabada

  • Cunto lagasoo qaadaayo maqaayadaha deegaanka
  •  Madadaalo toos loo samaynaayo
  • Nashaadaad Baashaal ah oo uu helaayo qof kasta
  • Xog ku saabsan khayraadka bulshada iyo barnaamijyada

Macluumaadka xaafadaha iyo ganacsiyada ku yaala wadada

Jidadka mara wadada ayaa laga xiri doonaa gaariyaasha maalintaas ayadoo ay geli karaan keliya dadka ku nool aagaga jidka.

Waxaa jiri doona baraha laga gudbo oo gaar ah oo ay mari doonaan gaariyaasha matoorka ku shaqeeya, laakiin waxaa ugu habboon inaad ka fogaato gaari ku wadista aaga inta lagu jiro munaasabada maadaama aad geli karto dib u dhac wayn.

Isgoysyada waxaa la dhigi doonaa jid-gooyooyin ku meel gaar ah dad mutadawiciin ah ayaana waardiyayn doona si looga caawiyo dadka inay aadaan meesha ay u baahan yihiin.

Arag wadooyinka cagaaran ee xaafada

Munaasabadaha Sunday Parkways waxaa ku jira wadooyinka cagaaran ee xaafada waana qaab cusub oo aad ku baranayso wadooyin cusub. Marinnada cagaaran ee xaafada ma maraan gaariyaal badan xawaare hooseeya ayaana lagu socdaan ayadoo dadka lugaynaaya, iyo kuwa baaskiilka ku socd muhiimada la siinaayo. Marinnada xaafada ayaa ka dhigaaya ku aadista dukaanka adeegga, dugsiga, farmashiyaha ama goobaha kale baaskiil, lug, ama kabo taayiro leh kuwo qanaaco badan oo raaxo leh. 

Portland waxay leedahay wado xaafadeedyo 100 mayl ah, waxayna sii wadaa inay ku darto kuwo kale deegaannada qaar ayna hormariso kuwa hadda jira.

Xog badan ka ogoow jidadka xaafadaha

Kaiser Permanente Sticker Hunt

Child holding up sticker sheet while sitting next to sidewalk decal in a park on a sunny day

Marka lagu daro munaasabadaha tooska loo tabinaayo, waxaa farxad noo ah inaan soo celino bandhiga Kaiser Permanente Sticker Hunt (Barnaamijka Raadinta Calaamadaha ee Kaiser Permanente) si laguugu dhiiri geliyo socodka, baaskiil wadista, iyo inaad kabo taayiro leh ku socoto xagaaga oo dhan. 

Haddii aad ka qaybgashay munaasabada Sunday Parkways hadda kahor, waxaa laga yaabaa inaad xasuusato ka qaybgalka Socodka Calaamad raadinta ah kaasoo lagu boorinaayo in ka qaybgaleyaasha inay booqdaan dhammaan beeraha nasinada ee ku yaala wado kasta. Sanadkii 2021 anagoo kaashanayna Kaiser Permanente waxaan balaarinay fikirkaan Ugaarsiga Sticker Hunt si loo abuuro khibrada magaalada oo dhan oo soconaysa wax ka badan hal maalin.

Sanadkii 2022, Sticker Hunt ayaa ku kaxaynaaya socdaal lagu tagaayo socod, baaskiil, ama kabaha taayirada leh dhammaan daafaha magaalada — maalinta aad doonto. Arag beeraha raaxada ee deegaanka iyo meelaha lagu tagaayo socdaalka geesaha wadada ee Kaiser Permanente kuwaasoo kugu casuumaaya inaad ku CIYAARTO, XARIIR KU ABUURTO, KU SOCOTO, KU KOBACD, WAX KU BARATO, AADNA KU BULAASHO!
 and THRIVE!

Waxaa jiri doona shan munaasabadaha Sticker Hunt kamid ah, oo mid kasta lagu samaynaayo xaafad gaar ah, oo aad ka qaybgali karto maalintaad doonto Juun 1deeda ilaa Agoosto 31deeda si aad u hesho abaal marin baashaal ah.

Sida loo ciyaaro

  • Booqo dhammaan goobaha lixda ah ee ku jira wado kasta. Raadi calaamada ku taala geeska mid kasta oo kamid ah goobaha.
  • Samee shaqooyinka ku qoran astaan kasta oo geeska wadada ku taala, kadibna ku dhaji calaamada yar ee waafaqsan qariiradaada.
  • Gee qariirada aad buuxisay mid kamid ah goobaha Dhirta Lagu beero ee Portland kadibna waxaad helaysaa 4” geedaha daawo dhaqameedka oo abaal marin ah.
  • CIYAAR, ISKU XIR, SOCO, KOBAC, BARO, oo BULAAL dhammaan xiliga xagaaga!

Raadinta Calaamadaha ee Qofku Is-hagaayo

Dooro jidka hoose, kadibna ku ciyaar dalxiiskaaga adoo adeegsanaaya qariiradaha la daabici karo ama qariiradaha Google ka ee oonleenka ah.

  • Waqooyi -Bari Portland
  • Koonfur-Bari Portland
  • Bariga Portland
  • Waqooyiga Portland
  • Koonfur-Galbeed/Bartamaha Portland

Halkaan guji si aad u hesho Qariirada Google ka ee marinnada Calaamadaha Ugaarsiga

Ka qaybgal Sunday Parkways

Qayb ka noqo dabaal-dega!

Qabo Munaasabad

Kala fogaada kadibna arrintaada usoo bandhig kulanaan kamid ah ka qaybgaleyaasha munaasada adoo isgoys ku qabanaaya munaasabad.  Marka la dhigo meel aad loogu jiido oo ku taala isgoys an cariiri badnayn maalinta oo dhan, ururkaaga ayaa dejin kara teendho iyo kuraas, kadibna la hadli kara qof kasta oo meesha maraaya.  Hal qof oo kamid ah kooxda ayaa noqonaaya halyeeyga sare ee isgoyska, asagoo qaadanaaya tababar kana caawinaaya dadka dariska ah inay tagaan kana yimaadaan guryahooda.  Inta kale kooxda ayaa soo jeedin kara dareenka ka qaybgaleyaasha kadibna faafin kara fariinta.

Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan isgoyska, fadlan nagalasoo xariir ciwaanka SundayParkways@AxiomEventProductions.com.

Keen hibooyinkaan Sunday Parkways 

Hamiga Sunday Parkways ayaa ka yimaada doorka bulshada waana meesha aad kasoo galayso barnaamijka! Ma xiisaynaysaa in ganacsigaaga yar ama ururku uu ka qaybgalo Sunday Parkways? Ma leedahay xirfado gaar ah ood doonayso inaad la wadaagto bulshada? Ayadoo ay joogaan kumanaan dad ah oo ka socda xaafadaada, tani waa fursad aadan gafin karin si aad usoo bandhigto hibooyinkaaga - haddii taasi tahay gaari cunto ama bandhig muusig! Guji lifaaqa hoose si aad u gasho bogeena su'aalaha adeeg bixiyaha/jilaaga anaga ayaana kuusoo jawaabi doona dhawaan!

Xog badan ka ogoow inaad jilaa ama adeeg bixiye ahaan uga qaybgasho munaasabad

Xog ku saabsan Sunday Parkways

Individual holding a bike as they walk along the marketplace during Sunday Parkways.

Shaqada Portland Sunday Parkways waa in la hormariyo nolosha caafimaadka leh ee firfircoon ayadoo la adeegsanaayo munaasabado bilaash ah laga furaayo goobta ugu wayn ee dadwaynaha ee magaalada ‐‐ wadooyinkeeda ‐‐ si ay dadku ugu socdaan, baaskiil ugu wataan, kabo taayiro leh ugu araan, ayna ku raaxaystaan. Portland Sunday Parkways waxay dhisaysaa bulshada ayadoo adeegsanaysa isku xir, kobcinaysa sharafta bulshada, fududaynaysa kobaca dhaqaalaha, waxayna soo bandhigaysaa maalgashiyada bulshada, ganacsiga iyo dawlada xili ay Portland kasoo kabanayso aafada COVID-19.

Yoolakeenu waa:

  • Inaan dadka ku xariirno beeraha nasiinada xaafadooda iyo khayraadka bulshada.
  • Inaan siino nashaadaad bilaash ah, la heli karo, oo isku dhafan kuna haboon qoysaska bulshooyinka aan adeegga fiican heli jirin.
  • Inaan soo bandhigno hormarinnada kaabeyaasha taageeraaya socodka iyo baaskiil wadista.
  • Inaan dhiiri gelino jimicsiga jirka si aan u kordhino caafimaadka guud iyo faya qabka.
  • Inaan bixino barnaamij muujinaaya masaalixda, awoodaha, iyo dhaqanka xubnaha bulshada.

Helitaanka Adeegyda Sunday Parkways

PBOT waxay u taagan tahay barnaamijyo, adeegyo, iyo nashaadaad la heli karo. Nashaadaadka Sunday Parkways ayaa u furan dhammaan ka qaybgale-yaasha.  Waxaa intaas dheer, waxaan bixin doonoo nashaadaad iyo barnaamijyo ay bixinayaan ururo iyo bandhigeyaal si gaar ah u taageeraaya, ugu adeegaaya, una matalaaya dadka naafada ah. 

Isha ku haay xogta!

Noqo qofka koowaad ee ogaada marka aan faahfaahin dheeraad ah ka bixino munaasabadaha sanadkaan adoo nagala soconaaya baraha bulshada iskana diiwana gelinaaya wargayskeena wararka.

Macluumaadka Xiriirka

Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan munaasbad xiliyeedka Sunday Parkways 503-823-7599 ama iimeel noogusoo dir  PortlandSundayParkways@portlandoregon.gov kadibna waxaan kuu qaban doona taageero turjumaad si looga jawaabo su'aalahaaga.