Khidmadaha Habeynta ee Kaarka Dhibitka iyo Kiridhitka ee Biilashada Bullaacada, Biyaha Roob-duufaaneedka, iyo Biyaha

Information
Person holding a phone and a credit card on a couch. The right side of the image has an icon illustrating an alert symbol next to a hand holding a credit card.
Eeg jawaabaha su'aalaha soo noqnoqda ee ku saabsan khidmadaha macmiilka ee habeynta kaararka kiridhitka iyo kan dhibitka ee biilasha bulaacada, biyo roob-duufaaneedka, iyo biyaha
On this page

Laga bilaabo gu'gan, macaamiisha isticmaala kaarka kiridhitka ama kan dhibitka si ay ugu bixiyaan biilkooda bulaacada, biyaha roob-duufaaneedka, iyo biyaha onlaynka, taleefoon ahaan, ama iyagoo u maraaya autopay waxay bixin doonaan kharashka habaynta. Khidmadan waxa dalaca bixiyaha lacag-bixinta biilka onlaynka ah, ee maaha mid ay dadka ku dalacdo magaalada Portland.

Si looga fogaado khidmaddan, macaamiishu waxay si toos ah uga samayn karaan lacag-bixin elektaroonig ah akoonkooda bangiga. Tan waxa loo yaqaan Nidaamka Lacagaha La Isugu Kala Diro Bankiyada ama lacag-bixinta ACH. Macaamiishu waxay ku sameyn karaan lacag bixinta ACH onlayn ama telefoon ahaan. Macaamiisha adeegsada autopay waxay u bedeli karaan qaabkooda lacag bixinta ACH si ay uga fogaadaan kharashka soo noqnoqda ee lacag dirista. Lacag-bixinada caddaan ah, jeeg ahaanta ah, iyo nidaamka lacag horay u sii bixinta ayaa sidoo kale sii ahaan doono kuwo loo sameeyo si khidmad la'aan ah.

Khidmadaha habeyntu wey is-beddelaan

Noocee lacag-bixineed ayaa leh khidmada habeynta?

Khidmadaha habeyntu waxay ku dabaqmaan oo keliya lacag-bixinada lagu sameeyo kaararka kiridhitka iyo kuwa dhibitka.

Waa immisa khidmada habaynta ee kaadhadhka kiridhitka iyo kuwa dhibitka?

Marka aad lacagta ku bixiso kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, khidmadda habayntu waa 2.95% ee lacagta macaamilada ganacsi. Tusaale ahaan, haddii aad ku bixiso $100 kaarka kiridhitka ama kaarka dhibitka, waxaad bixin doontaa $2.95 oo khidmad ah. Khidmada habaynta ee ugu yar waa $1.25 marka aad ku bixiso lacag adigoo adeegsanaya kaarka kiridhitka ama kan dhibitka.

Sideen iskaga ilaalin karaa khidmada habaynta?

Khidmada habayntu waxa ay ku dabaqmeysaa oo kaliya lacag-bixinada lagu sameeyo kaadhka kiridhitka iyo kan dhibitka. Si aad isaga ilaaliso khidmada, isticmaal hab kale oo lacag bixin ah.

Ma bixin doonaa khidmada habaynta haddii aan isticmaalo autopay?

Haddii lacag bixinta autopay lagu sameeyo kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, waxaa lagugu soo dalacayaa khidmada habeynta. Waxaad ka fogaan kartaa khidmadda adiga oo u beddelanaayo habka lacag-bixinta autopay, ACH ka hor inta aan la gaarin taariikhda ay tahay inaad lacag-bixinta ka sameysaa autopay. Si aad tan u sameeyso, gal websaydkayaga biil-gareynta oo cusboonaysii habka lacag bixinta ee kuu kaydsan. Tilmaamaha faahfaahsan ee cusboonaysiinta habka lacag bixinta ayaa ku yaal xagga hoose ee boggan Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo.

Gal akoonkaaga

Miyuu leeyahay xadka ugu badan lacag bixinta kaarka kiridhitka ama dhibitka?

Haa. Lacagta ugu badan ee lacag bixinta laga sameyn karo kaarka kiridhitka ama kan dhibitka waa $10,000 macaamilo ganacsi oo kasta.

Sida khidmadaha habayntu ay uga soo muuqan doonaan bayaankaaga

Yaa qaada khidmada habaynta?

Khidmadaha habeynta waxaa dadka ku dallaco oona loo diraa Invoice Cloud, bixiyahayaga lacag bixinta biilka ee onlaynka ah. Magaalada Portland ma hesho wax kastoo lacag ah oo lagu bixiyo kharashka habeynta.

Haddii aan ku sii wado lacag ku bixinta kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, sidee ayay kharashyadu ugu ekaan doonaan bayaankayga? Khidmada habaynta ee cusub iyo kharashka biilasha bullaacadahayga, biyaha roob-duufaaneedkeyga, iyo kan biyaheyga ma la isugu dari doonaa hal qadar?

Markaad lacagta ku bixiso kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, waxaad ku arki doontaa laba macaamil ganacsi mise lacag bixitaano oo kala duwan gudaha bayaankaada. Kharashka khidmada habaynta waxay ugu muuqan doontaa sida "Invoice Cloud" bayaankaaga. Kharashka biilkaaga waxa ay ugu muuqan doontaa sida "Portland Water Bureau" bayaankaaga.

Haddii aan u wareego lacag-bixinta ACH, sidee ayeey lacagta dalaca uga soo muuqan doontaa bayaanka bangigayga?

Lacag bixintaadu waxay uga soo muuqan doontaa sida "Portland Water Bureau" gudaha bayaanka bangigaaga.

Lacagaha la soo celiyo ama dib loo soo ceshto

Haddii aan dib u soo ceshto lacag bixinta kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, miyeey is-beddeli doontaa qadarka lacagta khidmada ee habayntu sidoo kale?

Uma heli doontid lacag celin ama kiridhit khidmaddaada habaynta haddii aad ka noqoto lacag bixinta biilasha bullaacadahaaga, biyaha roo-duufaaneedka, iyo tan biyaha.

Cusbooneysiinta habka lacag-bixintaada

Sideen ugu beddelaa habka lacag-bixinteyda autopay oo aan ugu beddelaa ACH anigoo adeegsanaya websaydka biilasha?

  1. Gal akoonkaaga.
Screenshot showing the login screen for Water Bureau customer accounts with email and password fields completed
  1. Qaybta sare ee qayb-badhaneedka shaashashada Account Details (Faahfaahinta Akoonka), dooro Payment Options (Xulashooyinka Lacag-bixinta). Kadibna ka dooro Auto Pay tusmada hoos u dhaadhaca.
Screenshot of Water Bureau customer account with red arrow pointing to "Payment Options" menu and a second arrow pointing to "Auto Pay" on the menu drop-down
  1. Shaashada Payment Method (Habka Lacag-bixinta), guji Add New Bank (Ku Dar Bangi Cusub).
Screenshot of Water Bureau customer account Saved Payment Methods page with a red arrow pointing to "Add New Bank"
  1. Gudaha foomka New Bank (Bangiga Cusub), geli macluumaadka akoonka bangi ee aad rabto inaad u isticmaasho lacag bixinta ACH.
Screenshot of Water Bureau account page showing the fields to add a new bank account
  1. Marka aad ku darto macluumaadkaaga lacag-bixinta, guji sanduuqa ku xiga Default (Asalka)si aad tan uga dhigto habkaaga lacag bixinta ee autopay. Kadibna guji Save Bank Information (Keydi Macluumaadka Bangiga) si aad u dhameystirto wax beddelka.
Screenshot of Water Bureau account page with a red arrow pointing to a checkbox next to a "Default" label above a "Save Bank Information" button

Gal akoonkaaga

Contact

Portland Water Bureau Customer Service

Back to top