See something we could improve on this page? Give website feedback.
Translate this page
Laga bilaabo Juun 3, 2025, macaamiisha isticmaala kaarka kiridhitka ama kaarka dhibitka si ay ugu bixiyaan biilasha bullaacadaha, biyaha roob duufaaneedka, iyo biilka biyaha onlaynka, taleefoon ahaan, ama habka lacag-jarista tooska waxay bixin doonaan kharashka/khidmada habaynta. Khidmadan waxa dalaca bixiyaha lacag-bixinta biilka onlaynka ah, ee maaha mid ay dadka ku dalacdo magaalada Portland.
Si looga fogaado khidmaddan, macaamiishu waxay si toos ah uga samayn karaan lacag-bixin elektaroonig ah akoonkooda bangiga. Tan waxa loo yaqaan Nidaamka Lacagaha La Isugu Kala Diro Bankiyada ama lacag-bixinta ACH. Macaamiishu waxay ku sameyn karaan lacag bixinta ACH onlayn ama telefoon ahaan. Macaamiisha adeegsada autopay waxay u bedeli karaan qaabkooda lacag bixinta ACH si ay uga fogaadaan kharashka soo noqnoqda ee lacag dirista. Lacag-bixinada caddaan ah, jeeg ahaanta ah, iyo nidaamka lacag horay u sii bixinta ayaa sidoo kale sii ahaan doono kuwo loo sameeyo si khidmad la'aan ah.
Khidmadaha habeyntu wey is-beddelaan
Noocee lacag-bixineed ayaa leh khidmada habeynta?
Khidmadaha habeyntu waxay ku dabaqmaan oo keliya lacag-bixinada lagu sameeyo kaararka kiridhitka iyo kuwa dhibitka.
Waa immisa khidmada habaynta ee kaadhadhka kiridhitka iyo kuwa dhibitka?
Markaad ku bixiso kaarka kiridhitka ama kaarka dhibitka, khidmadu waa 2.95% wadarta lacag bixintaada. Khidmadda habaynta ee ugu yar waa $1.25.
Doolar ahaan, tani waxay ka dhigan tahay:
- Lacag-bixinta $100 = $2.95 khidmad
- Lacag-bixinta $250 = $7.38 khidmad
- Lacag-bixinta $500 = $14.75 khidmad
Waxaad si toos ah ugu bixineysaa khidmadahan bixiyahayaga lacag bixinta biilka onlaynka ah (Invoice Cloud), kuma bixineysid Magaalada.
Sideen iskaga ilaalin karaa khidmada habaynta?
Khidmada habayntu waxa ay ku dabaqmeysaa oo kaliya lacag-bixinada lagu sameeyo kaadhka kiridhitka iyo kan dhibitka. Si aad isaga ilaaliso khidmada, isticmaal hab kale oo lacag bixin ah.
- Si toos ah uga samee lacag bixinta ACH akoonkaaga bangiga adiga oo isticmaalaya boggayaga interneetka ee biilasha, xulashadayada lacag bixinta ee onlaynka ah, ama khadkayaga lacag bixinta telefoonka ee otomaatiga ah.
- Ku bixi boostada jeeg ama lacag horey u sii bixinta.
- Ku bixi adigoo qof ahaan imaanayo lacag caddaan ah, jeeg, ama lacag horey u sii bixinta Xarunta La-imaan karo.
- Ka dejiso lacag-bixinnada biilka khadka tooska ah ee bangigaaga adigoo si toos ah ugu diraayo Xafiiska Biyaha ee Portland.
Ma bixin doonaa khidmada habaynta haddii aan isticmaalo autopay?
Haddii lacag bixinta autopay lagu sameeyo kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, waxaa lagugu soo dalacayaa khidmada habeynta. Waxaad ka fogaan kartaa khidmadda adiga oo u beddelanaayo habka lacag-bixinta autopay, ACH ka hor inta aan la gaarin taariikhda ay tahay inaad lacag-bixinta ka sameysaa autopay. Si aad tan u sameeyso, gal websaydkayaga biil-gareynta oo cusboonaysii habka lacag bixinta ee kuu kaydsan. Tilmaamaha faahfaahsan ee cusboonaysiinta habka lacag bixinta ayaa ku yaal xagga hoose ee boggan Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo.
Miyuu leeyahay xadka ugu badan lacag bixinta kaarka kiridhitka ama dhibitka?
Haa. Lacagta ugu badan ee lacag bixinta laga sameyn karo kaarka kiridhitka ama kan dhibitka waa $10,000 macaamilo ganacsi oo kasta.
Waa maxay sababta macaamiishu ay u bixinayaan khidmadaha kaarka kiridhitka iyo kaarka dhibitka?
Kharashka habaynta ee lacag-bixinada kaadhka kiridhitka iyo kaadhka dhibitka waxa dadka ku dalaca bixiyahayaga lacag bixinta biilka onlaynka ah, Invoice Cloud. Magaalada Portland ma hesho wax kastoo lacag ah oo lagu bixiyo kharashka habeynta. Markii hore, Magaaladu waxay qaadan jirtay khidmadahan. Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan macaamiishu ay wadaagaan kharashka ku baxa habaynta kaadhka.
Daboolista khidmadahan waxay noqdeen kuwo aan sii waareynin. Sanadihii la soo dhaafay, kharashka ku baxa Magaaladu wuxuu ka kacay ilaa $1 milyan oo uuna kor ugu kacay in ka badan $2 milyan sanadkii. Marka macaamiisha doorta inay ku bixiyaan lacag-bixintooda kaararka kiridhitka iyo kan dhibitka ay daboolaan khidmadahooda, waxay culeyka ka qaadayaan doolarka dadweynaha si ay u taageeraan adeegyada muhiimka ah. Waxaan ku isticmaali karnaa lacagahan si aan u ilaalino oo aan u wanaajino nidaamyadayaga oo aana ku taageerno macaamiisha barnaamijyada kaalmada maaliyadeed.
Sida khidmadaha habayntu ay uga soo muuqan doonaan bayaankaaga
Yaa qaada khidmada habaynta?
Khidmadaha habeynta waxaa dadka ku dallaco oona loo diraa Invoice Cloud, bixiyahayaga lacag bixinta biilka ee onlaynka ah. Magaalada Portland ma hesho wax kastoo lacag ah oo lagu bixiyo kharashka habeynta.
Sideen uga aqoonsan karaa kharashka habbaynta gudaha bayaankeyga lacag-bixinta?
Markaad lacagta ku bixiso kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, waxaad ku arki doontaa laba macaamil ganacsi mise lacag bixitaano oo kala duwan gudaha bayaankaada. Kharashka khidmada habaynta waxay ugu muuqan doontaa sida "Invoice Cloud" bayaankaaga. Kharashka biilkaaga waxa ay ugu muuqan doontaa sida "Portland Water Bureau" bayaankaaga.
Haddii aan u wareego lacag-bixinta ACH, sidee ayeey lacagta dalaca uga soo muuqan doontaa bayaanka bangigayga?
Lacag bixintaadu waxay uga soo muuqan doontaa sida "Portland Water Bureau" gudaha bayaanka bangigaaga.
Lacagaha la soo celiyo ama dib loo soo ceshto
Haddii aan dib u soo ceshto lacag bixinta kaarka kiridhitka ama kan dhibitka, miyeey is-beddeli doontaa qadarka lacagta khidmada ee habayntu sidoo kale?
Uma heli doontid lacag celin ama kiridhit khidmaddaada habaynta haddii aad ka noqoto lacag bixinta biilasha bullaacadahaaga, biyaha roo-duufaaneedka, iyo tan biyaha.
Cusbooneysiinta habka lacag-bixintaada
Macluumaadka macmiilku ma yahay mid amni-sugan marka wax lacag lagu bixinaayo onlaynka?
Haa Lacag-bixinta waxaa si amni-sugan loogu sameeyaa gudaha Invoice Cloud. Magaaladu ma kaydiso mana gasho macluumaadka lacag bixinta ee macaamiisha.
Waa maxay sababta aan ikhtiyaarka ugu heli waayay inaan lacag bixinta ACH ka sameeyo akoonkayga bangi ee ku jira gudaha websaydkiina lacag-bixinta?
Haddii laba ama in ka badan koontadaada lacag-bixinada bulaacadaada, biyaha roob duufaaneedka, iyo ta biilka biyaha lagu soo celiyay 12 bilood ee la soo dhaafay, kama aqbali doono lacag bixinta akoonkaaga bangiga. Tan waxa ka mid ah jeegagaaga shakhsiyeed ama lacag-bixinada elegtarooniga ah ee laga helo koontadaada jeeggaga ama kaydka. Waxaan aqbali doonaa oo kaliya hababka lacag bixinta ee soo socda:
- Lacag caddaan ah
- Amarka lacag-bixintada daabacan
- Jeega khasnajiga
- Kaarka kiridhitka
La xidhiidh Adeegga Macmiilka haddii aad wax su'aalo ah qabtid.
Sideen u bedeli karaa lacag-bixinta tooska ah haddii akoonkeygu aanay shaqaynin?
Si aad meesha uga saarto habka lacag bixinta ama aad u cusboonaysiiso xaalka lacag bixinta ee akoon aan shaqaynayn, kala xidhiidh Adeegga Macmiilka barta pwbcustomerservice@portlandoreg… ama lambarka 503-823-7770.
Si aad uga cusboonaysiiso macluumaadkaaga lacag bixinta tooska ah onlaynka, koontadaada waa in ay tahay mid shaqeeneyso oo waa in lagugu soo dallacay lacag-bixinta ugu yaraan hal mar. Marka akoonkaaga uu shaqeenayo oona lagu soo dalacsiiyay lacag-bixinta, waxaad ku cusboonaysiin kartaa macluumaadka lacag-bixinta websaydka biilasha. Raac tilmaamaha ku qoran xagga hoose ee boggan Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo.
Sideen ugu beddelaa habka lacag-bixinteyda autopay oo aan ugu beddelaa ACH anigoo adeegsanaya websaydka biilasha?
- Qaybta sare ee qayb-badhaneedka shaashashada Account Details (Faahfaahinta Akoonka), dooro Payment Options (Xulashooyinka Lacag-bixinta). Kadibna ka dooro Auto Pay tusmada hoos u dhaadhaca.
- Shaashada Payment Method (Habka Lacag-bixinta), guji Add New Bank (Ku Dar Bangi Cusub).
- Gudaha foomka New Bank (Bangiga Cusub), geli macluumaadka akoonka bangi ee aad rabto inaad u isticmaasho lacag bixinta ACH.
- Marka aad ku darto macluumaadkaaga lacag-bixinta, guji sanduuqa ku xiga Default (Asalka) si aad tan uga dhigto habkaaga lacag bixinta ee autopay. Kadibna guji Save Bank Information (Keydi Macluumaadka Bangiga) si aad u dhameystirto wax beddelka.





