Translate this Page
Is-qabooji oo badbaado hel inta lagu jiro mawjadaha kuleylka ee Portland
Sida la isku qaboojiyo inta lagu jiro kulaylka daran iyo cimilada kulul. Hel xarumaha qaboojinta, barkadaha biyo sayrka, baraha biyaha firdhiya, iyo goobaha dabaasha. Qabooji gurigaaga. Hubi xaalka dariskaaga. Cab biyo badan.
Hel goob qaboojin
Marka uu kulayl daran jiro, Degmada Multnomah iyo Magaalada Portland ayaa furi doona goobaha qaboojinta, sida:
- Xarumaha qaboojinta
- Goobaha qaboojinta
- Xarumaha bulshada
- Maktabaddaha
- Xarumaha rushaynta biyaha
Ka eeg liiska buuxa webseedka Degmada Multnomah "Caawimaada marka kuleyle jiro."
Ka eeg xarumaha qaboojinta ee kuu dhow khariiradaan jaantuska.
Waxaa jiri kara dib u dhacyo ku yimaada adeegga TriMet inta lagu jiro cimilada kulul. Xog ka ogoow shaqooyinka TriMet, MAX, iyo WES adoo booqanaaya trimet.org/heat.
Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha qaboojinta, la xiriir 211:
- Wac 211 ama 1-866-698-6155
- TTY: wac 7-1-1 kadibna wac 1-866-698-6155
- Ciwaankaaga boostada fariin qoraal ugu dir 898211 (TXT211) – Isniin-Jimce laga bilaabo 9 a.m.- 5 p.m.
- Iimeylka help@211info.org – Jawaab ayaad helaysaa 24 saac gudahood
- Kasoo degso aabka 211info aalada Apple App Store ama nooca Android ee Google Play Store.
Hel goobaha qaboojinta ee ku yaala Degmada Washington.
Hel goobaha qaboojinta ee ku yaala Degmada Clackamas.
Hel goobta biyaha firdhisa ee aagga
Portland Parks & Recreation (Beeraha Raaxada iyo Dalxiiska ee Portland) waxay leedahay goobaha biyaha firdhiya oo ballaaran oo shaqeeya dhammaan xagaaga. Waa caadi in aad ku ciyaarto! Waxaan sidoo kale hawl gelin doonaa barkadaha biyaha firdhiya kadib maalinta ugu dambeysa ee dugsiga.
Hel goobaha iyo saacadaha baraha iyo barkadaha biyaha firdhiya.
Si aad u hesho faahfaahin ku aadan barnaamijyada kale ee Portland Parks & Recreation ee laga yaabo in saameyn kasoo gaarayso kulaylka, booqo qaybta xogaha cimilada ee Portland Parks & Recreation.
Hel goob aad ku dabaalato
Portland Parks & Recreation waxay leedahay ayna maamushaa barkadaha dabaasha ee gudaha ku yaala iyo todobo barkadaha dabaasha oo banaanka ku yaala. Barkadaha banaanka ayaa furan dhammaadka Juun.
Dabaasha gudaha wabiyada Willamette iyo Columbia ayaa noqon karta baashaal iyo nasiino. Is ilaali! Sababaha ugu badan ee keena in dadku biyaha ku haftaan waa biyaha aadka u qaboow, wabiyada aadka u sareeya, biyaha degdega u soconaaya, iyo qashinka ka yimaada daadadka iyo biyaha socda.
Hel beeraha raaxada ee leh beeraha dabaasha aadna u hesho xogta badqabka ee muhiimka ah Ku dabaalashada Wabiyaasha Portland.
Ma qorsheynaysaa in aad ku dabaalato Wabiga Willamette? Check the Rec! Waxaan tijaabinaa tayada biyaha ee goobaha kala duwan ee ku yaala Willamette waxaana soo dhajinaa natiijooyinka asbuuc kasta. Xog badan ka ogoow Check the Rec.
Qabooji gurigaaga
Barnaamijka Qaboojinta Portland (Cooling Portland) wuxuu bixiyaa agabka waxtarka leh ee la qaadan karo ee kulayliyaha/qaboojinta oo la siiyo dadka reer Portland ee danyarta ah. Waxaa laga yaabaa inaad u qalanto qalabka qaboojinta, ayadoo ku xiran xaaladaada. Waxaa jira liiska sugitaanka si aad u hesho qalabka. Xog badan ka ogoow Cooling Portland oo codso qalabka qaboojinta.
Waxaad sidoo kale u qalmi kartaa mukeyf haddii aad ku jirto Qorshaha Oregon Health. Xog badan ka ogoow barnaamijka Oregon Health Plan ee Taageerooyinka Cimilada.
Eeg tilmaamahaan ka soo baxay Guddiga Tasiilaadka Guriga ee Muwaadiniinta Oregon ee ku saabsan qaboojinta adiga oo aan haysan mukeyf.
Xasuusnoow, mukeyfyada la qaadi karo waa in keliya toos loo gashaa sokedka korontada. Adeegsiga qaybisada korontada ama aalada difaaca korontada ayaa keeni karta in dab ka dhasho waayo malahan heerka qulqulka korontada ee ku filan siinta dab badqab leh aalada mukeyfka. Xataa qaybisada cusub ee aan cilada lahayn ayaa dabku ka tan badan karaa waxayna dhalin kartaa dab. Sidoo kale, ha marin fiilada mukeyfka hoosta roog ama darbi. Tan ayaa sidoo kale keeni karta kulayl xad dhaaf ah oo fiilada korontada ku dhajinaysa agabka holci kara. Akhri tilmaamo dheeraad ah oo ku aadan kahortaga dabka.
Hubi xaalada qoyska, saaxiibada iyo dariska
Dadka qaarkood ayaa khatar dheeraad ah ugu jira dab kasta, ayna ku jiraan dadka qaba xanuunnada, ilmaha aadka u yaryar iyo waayeelka.
Sanadihii lasoo dhaafay, dadka keligeed noolaa aana haysan mukeyfka ayay ku dhaceen heerarka ugu sareeya ee xanuunnada iyo geerida. Hubi dariska, qoyska iyo saaxiibada keligeed nool.
Dariska aan guryaha haysan ayaa si gaar ah ugu nugul kulaylka xad dhaafka ah. Hubi xaaladooda, sidoo kale. Wac 911 si aad u codsato hubinta faya qabka ay samayso Portland Street Response (Gurmadka Wadooyinka ee Portland) ama shaqaalaha kale ee gurmadka degdega ah.
Hel adeegyada gurmadka iyo tilmaamo si aad u hesho badqabka iyo caafimaad adoo booqanaaya bogga Kulaylka Daran ee PublicAlerts.
Ha gubin alaabaha
Ha ridin bula-laynrka. Bula-layrku wa aka mamnuuc Magaalada Portland sanadka oo dhan.
Inta lagu jiro mawjada kulaylaha, Shaqaalaha Dab damiska ayaa soo saari kara mamnuucida wax gubista. Mamnuucida Dabka ayaa caadiyan mamnuucda:
- Dababka kaamka dalxiiska lagu shido
- Dab-shidka
- Gubista qashinka fagaaga
- Gubista beeraha
- Dabka furan
Hel xog dheeraad ah oo ku aadan mamnuucida dabka ee gudaha Portland.
Xog badan ka ogoow dabka banaanka lagu gubo, shooladaha xaabada iyo dab-shidka gudaha Degmada Multnomah.
Cab biyo badan
Biyaha tuubooyinka ee Portland waa qaar kamid ah biyaha ugu fiican caalamka. Cab biyo aad u badan maalinta oo dhan. Kaydso lacag oo yaree adeegsiga caagadaha adoo dib ugu shubanaaya jubadaha dib loo adeegsan karo biyaha tuubada kahor inta aadan banaanka u bixin ama aadan gaari wadan. Si joogto ah u buuxi baaquliyada biyaha xayawaankaaga rabaayada ah. Barkadaheena taariikhiga ah ee Benson Bubblers barkadaha kale ee biyaha laga cabo ayaa furan waxaadna ka helaysaa biyaha badqabka leh, ee cabitaanka ee qaboow saacad kasta.
Isqabooji marka kuleyl jiro – muuqaallo ku baxaaya luuqado badan
Daawo muuqaaladaan cajiibka ah ee ku saabsan isqaboojinta xiliga kulaylka. Waxaa soo gudbisay Waaxda Maamulka Xaalada Degdega ah ee Portland.
- Is-qabooji: Fiitnaamiis: Tiếng Việt
- Is-qabooji: Russian: русский
- Is-qabooji: Isbaanish: Español
- Is-qabooji: Yukreeniyaan: українська мова
- Is-qabooji: Mandarin: 官话
- Is-qabooji: Nepali: नेपाली
- Is-qabooji: Ingiriiska ASL (Luuqada Naafada ee Mareykanka)
Waxyaabaha aad xasuusanayso marka ay jiraan mawjadaha kulaylka
- Badqabka shaqaalaha. Gudaha Oregon, shaqaaluhu waa inay helaan biyo, nasiino iyo hoos ay harsadana maalmaha kulaylaha. Xog badan ka ogoow badqabka kulaylaha ee goobta shaqad oo hel xog ku saabsan kahortaga xanuunka kulaylaha iyo farsamooyinka qorsheynta.
- Istareeska kulaylaha. Kaarkaan Istareeska Kulaylaha ayaa kaa caawinaaya inaad qeexdo astaamaha xanuunka kulaylaha aad ka qaado aadna hesho caawimaad si degdeg ah.
- Caawimaad ku aadan bixinta qarashkaaga biyaha. Haddii aad dhibaato ku qabto bixinta qarashkaaga bulaacada, biyaha daadka, iyo biyaha la cabo, waan ku caawin karnaa. Waxaan codsanaynaa in aad codsato qiimo dhimis ku aadan qarashkaaga aadna ku yeraynayso isticmaalkaaga biyaha.
- Adeegyada qashinka. Darawallada qashinka auuriya ayaa bilaabi kara shaqada xili ka horeeya sidii caadiga ahayd inta lagu jiro kulaylka daran. Si aad iskaga ilaaliso inaad gafto qaadista qashinka, sii diyaari qasacyada qashinka, dib u warshadeynta, iyo gubista haynka ka horeeya maalinta la qaadaayo.
- Tayada hawada iyo qiiqa. Hubi Liiska Tayada Hawada si aad u aragto heerka nadiifnimada hawada iyo khataraha caafimaad ee ka dhalan kara. Ha gubin qashinka fagaaga.
- Kormeerada dhismaha. Kormeerada dhismaha ayaa dib loo dhigi karaa sabab la xiriirta kulaylka daran. Si aad u hesho xogihii ugu danbeeyay, booqo Ruqsad Bixinta iyo Hormarinta Portland.
- Xaalad degdeg ah ee cimilada. Portland ayaa door muhiim ah ka ciyaarta xal u helidda isbadelka cimilada, oo ah sababta ugu wayn ee cimilada xumaanaysa. Xog badan ka ogoow Horumarka magaaladu ka samaynayso xaaladeena degdega ah ee cimilada ee wadareedka ah.
