Translate this Page
Marinnada xaalad degdeg ah, ayaa la sharxay
Cimilada aadka u xun, (PBOT) ayaa ka shaqeysa joogtaynta furnaanta marinnada gaadiidka ee muhiimka ah iyo marinnada xaalad degdeg ah. Kuwaani waa wadooyinka ugu muhiimsan ee booliiska magaaladeena iyo xarumaha dab damiska, isbitaallada, dugsiyada, marinnada joogtada ah ee basaska, gaadiidkeena faras magaalaha, iyo suuqyada waawayn ee ganacsiga. Wadooyinkaan ayaa loo yaqaanaa marinnada "barafka iyo ceeryaamada" waxayna ka kooban yahay saddex meelood oo meel nidaamkeena guud ee wadooyinka.
Marinadaan, shaqada (PBOT) waa in ay ugu yaraan furtaa hal seed oo la mari karo jiho kasta. Tan ayaa loogu talo galay in gaariyaasha leh kursiga hore ama aaladaha jilfaxda leh ay mari karaan.
Ayadoo ku xiran barafka da'aaya, waxay qaadan kartaa sadex ilaa 12 saacadood oo kuwa shaqada ah in shaqaaluhu ku daweeyaan wadooyinkeena daawada kahortagta barafka. Marka baraf aad u badan da'o, waxay ku qaadan kartaa shaqaalaha ilaa 12 saacadood inay barafka ka xaaqaan wadooyinkaan.
Tallooyinka silsilada
Hadda ma jiraan tallooyin ku aadan silsiladaha wadooyinka magaallada Portland.
Xidhitaanada wadooyinka
Waxaan sheegaynaa wadooyinka loo xiro sabab dhanka cimilada qaboobaha ah awgeed keliya. Sababaha ugu badan ee xiritaanka wadooyinka waa geedaha soo dhaca ama fiilooyinka soo go'a, gaariyaasha wadada xira, ama wadooyinka oo uu baraf xiray aana la qaadi karin. Bogaan ayaa wax laga badelaa marka xaalad degdeg ah dhacdo. Waxaan keliya u qornaa wadooyinka la xiraayo qaabka ay ku yimaadaan.
Xiritaannada ayaa ku qoran nuqulka luuqada Ingiriiska ee bogaan:
Liiska xiritaanka wadooyinka (Ingiriis ku qoran)
Booqo Xarunteena Cimilada Qaboobaha si aad u hesho khariirada dhameystiran ee wadooyinkeena loo xiray barafka iyo ceeryaamada iyo wadooyinka hadda xiran (Luuqada Ingiriiska keliya):