See something we could improve on this page? Give website feedback.
Translate this Page
Helitaanka iyo turjumaada
Xogta ku qoran khariirada Xarunta Cimilada Qaboobaha ayay heli karaan dadka adeegsada aaladaha shaashada akhriska. K wac nidaamka Wicitaannada (PBOT) 24/7 saac shaqeeya 503-823-1700 si aad u hesho ama u soo sheegto khatarta xaalad degdeg ah ee xiritaanka wadada. Ka wac Adeegga Macaamiisha lambarka 311 ama 503-823-4000 si lagaaga caawiyo khariirada. Turjumaad ayaa la heli karaa.
Shaqada baraf xaaqida iyo wadooyinka
Marka aad furto khariirada xogta inta lagu jiro dhacdada cimilada barafka, heerka koobaad waxaa la yiraahdaa "Shaqada Xaaqida Barafka iyo Wadooyinka." (Plow Activity & Routes)
Inta lagu jiro cimilada qaboobaha, khariiradaan ayaa muujinaysa meelaha taraagyada cusbada, baraf xaaqeyaasha, iyo gaariyaasha kale ee (PBOT) ay ka joogaan wadooyinka xaalad degdeg ah, wakhtigaas. Wadooyinkaan waa kuwa ugu muhiimsan ee booliiska iyo xarumaha dab damiska, isbitaallada, dugsiyada, marinnada joogtada ah ee basaska, gaadiidkeena faras magaalaha, iyo suuqyada waawayn ee ganacsiga magaalada.
Heerkaan ku qoran khariirada waxaa ku jirta tilmaanta badqabka oo muhiim ah:
- Ha dhaafin meelaha ay joogaan gaariyaasha barafka buufiya iyo qalabka kale. Shaqaalaha (PBOT) ayaan si fiican wax ugu jeedin marka ay wadaan taraagyada cimilada qaboobaha. Waxaad ogaanaysaa in wadada ka danbaysa ay ka amaan badan tahay tan ka horaysa.
Booqo Xarunta Cimilada Xiliga Qaboobaha
Heerka sareeya, cimilada, iyo kaamirooyinka wadada
Heerka sadexaad ee khariirada tilmaamaha waxaa la yiraahdaa "Heerka sareeya, cimilada, iyo kaamirooyinka wadada." (Elevation, weather, and traffic cameras) Wuxuu qeexayaa qaybaha magaallada ee 500 iyo 1,000 fiid ka sareeya heerka badda. Wuxuu muujinayaa meelaha Maamulka Qaran ee Badaha iyo Hawada (National Oceanic & Atmospheric Administration, NOAA) iyo/ama Adeegga Qaran ee Cimilada (National Weather Service, NWS) ay odorasayaan in baraf ku uruuro 72 saacadood ee soo socota gudaheed. Kororka cadadka barafka ayaa lagu cabiraa 0.1-inji ilaa 0.5-inji.
Qaybtaan ayaa sidoo kale muujinaysa sawirada markaas ee ay qaadayaan kaamirooyinka wadooyinka magaallada iyo gobalka, haddii ay shaqeynayaan. Si aad u aragto, guji calaamada kaamirada si aad u soo bixiso goobta, taariikhda, iyo wakhtiga xogta.
Heerkaan khariirada waxaa ku jira tilmaamahaan muhiimka ah ee badqabka:
- Hubi heerka sareynta. Kahor inta aadan safrin, hubi heerka areynta iyo cabirka barafka la filaayo qayb kasta oo kamid ah safarkaaga. Hal duufaan baraf ayaa sababi karta xaaladaha aadka u kaladuwan ee wadada dhammaan magaallada ayaa ku xiran wakhtiga, qaybaha cimilada, iyo juquraafiyada.
- Hel xogtii ugu danbaysay, oo isii naftaada wakhti dheeraad ah. Guji kaamirada wadooyinka si aad u hesho xaaladaha markaas ee wadooyinka Portland. Booqo ODOT’s TripCheck oo aad ka helayso xogta xaaladaha wadada cimilada dhammaan Oregon. Wararka degdega ah ee ku saabsan caqabadaha adeegyada guud, ka eeg PublicAlerts oo kala soco @PBOTInfo dhammaan baraha bulshada.


