NABADGALYO KUTAG GURIGA: Tilmaamaha Safarka ee Barafka iyo Ceeryaamada

Label: Information
Inta lagu jiro duufaannada qaboobaha, shaqaalaha (PBOT) ayaa shaqeeya 24/7 si ay khataraha uga saaraan wadooyinka magaallada una furaan jidadkaxaalada degdega ah. Tilmaamaha qorsheynta xili hore, raacista gaadiidka dadwaynaha, lugaynta, baaskiil wadista, ama gaari ku wadista barafka iyo ceeryaamada.

U diyaar garoow cimilada qaboobaha

  • Abuur qorshaha xaalad degdeg ah ee cimilada qaboobaha adoo kaashanaaya qoyska iyo dadka kula shaqeeya. Qorshee inaad shaqeyso adoo guriga jooga haddii aad awoodo, ama raac gaadiidka dadwaynaha. Aqoonso barkulanka xaalad degdeg ah. Ka hel wadooyinka “barafka iyo ceeryaamada” ee kuu dhow:

Tusmo ku aadan Xarunta Cimilada Qaboobaha

  • Samayso liiska waxyaabaha aad hubinayso ee gurigaaga, ganacsiga, iyo gaariga:
    • Dhalaalka barafka iyo badeellada. 
      Mulkiileyaasha guryaha, kireysteyaasha, iyo ganacsiyadu waa inay leeyihiin agabka barafka dhalaaliya iyo badeellada barafka si ay u nadiifiyaan geesaha wadada iyo marinnada dhammaan aagaga wadada.
    • Khatarta kaa horaysa. 
      U diyaar garoow inaad dadka uga digto khataraha kahoreeya ee aaga guriga sida barafka ama dhagaxaanta barafka ee soo dhacaaya, wadooyinka, ama fiilooyinka korontada.
    • Kahortag Dhulka Dumay. Haddii gurigaaga ama ganacsigaagu uu ku yaalo aag u nugul in dhulku dumo—gaar ahaana inta lagu jiro xiliyada roobabka daran ama intaan barafku dhalaalin—u diyaar garoow inaad qashinka ka saarto jeexyada, kanaallada, iyo rakooyinka qarashka kuwaasoo xanibi kara biyaha daadka. Booqo bogga meelaha uu dhulka ka dumay, daadadka, iyo jawaannada ciida si aad u hesho xog dheeraad ah.
    • Silsiladaha. Ku qaado silsiladaha barafka gaariyaashaada, ugu yaraan. Hoos ka eeg liiska buuxa ee agabka aad u baahan tahay inaad gaariga ku wadato marka ay jirto cimilada qaboobaha.
  • Hel xogtii ugu danbaysay. Iska diiwaan geli fariimaha (PBOT) (PBOT alerts) ee lagu soo diro fariin qoraal ama iimeylka. Kala soco @PBOTInfo dhammaan baraha bulshada. Booqo Xarunta Cimilada Qaboobaha (Guide to the Winter Weather Center) ee (PBOT) si aad xog uga hesho sida loola socdo xogta ugu danbaysay ee cimilada, wadooyinka, xiritaanka wadada, iyo baraf xaaqida. Ku saabsan xarumaha diiranaanta leh oo aad ka helayso bogga Daryeelka Marka Qaboobuhu Jiro ee Degmada Multnomah (Xogta la turjumay ayadoo la adeegsanaayo Google Translate).
  • Kaydso cunto, biyo, dhar, iyo daawooyinka adiga, qoyskaaga, xayawaanadaada rabaayada ah, ama ganacsigaagu u baahan doono haddii aad ku xanibanto cimilada qaboobaha—guriga ama gaarigaaga.
  • Hubi xaalada dariska nugul kuwaasoo u baahan kara caawimaad ku aadan kaydsashada agabka kahor duufaanta ama xaaqida marinnadooda kadib duufaanta.
  • U diyaar garoow inaad gaarigaaga ka saarto wadooyinka "barafka iyo ceeryaamada" si aad wadada ugu banayso baraf xaaqeyaasha iyo qalabka kale.

Dib u dhig safarkaaga

  • Iska ilaali inaad ku safarto cimilada xun, haddii aad iska ilaalin karto.
  • Hel xogtii ugu danbaysay. Iska diiwaan geli fariimaha (PBOT) (PBOT alerts) ee lagu soo diro fariin qoraal ama iimeylka. Kala soco @PBOTInfo dhammaan baraha bulshada. Booqo Xarunta Cimilada Qaboobaha (Guide to the Winter Weather Center) ee (PBOT) si aad xog uga hesho sida loola socdo xogta ugu danbaysay ee cimilada, wadooyinka, xiritaanka wadada, iyo baraf xaaqida. Ku saabsan xarumaha diiranaanta leh oo aad ka helayso bogga Daryeelka Marka Qaboobuhu Jiro ee Degmada Multnomah (Xogta la turjumay ayadoo la adeegsanaayo Google Translate).
  • Sug ilaa xaaladuhu ka hagaagayaan kahor inta aadan safrin. Sii waqti dheeraad ah si aad u gaarto meesha aad u socotay. Cimilada daran ee qaboobaha ayaa isbadeli karta si degdeg ah, bilaa digniin, kana dhigaysa safarka mid aan la qiyaasi karin. Hal baraf ama daadka barafka ayaa u saamayn kara xaafad kasta si gaar ah ayadoo ku xiran qaybaha, wakhtiga, iyo goobta.
  • Sii baraf xaaqeyaasheena iyo gaadiidka xaalada degdega ah inay kaa hormaraan si ay u daaweeyaan wadada.
  • Taageerada ganacsiyada maxaliga ah inta aad sugayso in xaaladaha wadadu soo hagaagaan.

Tilmaamaha raacista gaadiidka dadwaynaha


Tilmaamaha dadka jidka maraaya

  • Isgoyska marinka ama geeska. Xasuusnoow in darawalladu ay qaadan karaa wakhti dheer inay istaagaan meelaha roobka ama barafku ka da'ayaan.
  • Iisha iska eega darawallada oo sii wad inaad eegto geesaha bidix-midig-bidix inta aad wadada goynayso.
  • Xiro maryo shoocaac leh. Adeegso alaabaha ifaaya marka banaanku mugdi yahay iyo/ama qaado toosh.
  • Xiro lakabyo badan oo diiran. Ha ilaawin galoofiska iyo koofiyad. Waxaad ku lumisaa 35% kuleelka jirkaaga madaxaaga!
  • Xiro kabo leh jilfax leh. Iska ilaali inaad bariiqato aadna ku dhacdo qoyaanka ama meelaha barafku yaalo.

Tilmaamaha baaskiil wadista

  • Ku joog qalayl iyo diiranaan adoo adeegsanaaya jaakado, lakabyada biyaha ka hortaga, gacmo gashiyada, iyo daboollada.
  • Adeegso taayirada waawayn si aad u hesho sugnaan, rakada, iyo xakamaynta dheeraadka ah.
  • Iska eeg khataraha wadada marka cimiladu aadka u xun tahay. Duufaannada ayaa soo ridi kara boorarka korontada iyo wadooyinka. Waxaa jiri kara wadooyin iyo laamo soo dhici kara, daadad, dhoobo kasoo fuqday dhulka dumay, ama qashin kale oo isku goyn kara wadada ama geesaha wadada. U soo sheeg khataro kasta oo wadada ah Laanta Gurmadka Dayactirka ee (PBOT) oo shaqeysa 24/7 lambarka 503-823-1700. Turjumaad ayaa la heli karaa. 
  • Adeegso nalalka hore iyo kuwa danbe ee baaskiilka. Si aad si fiican wax u aragto, xiro dhar iftiin badan ama adeegso bac wirqaysa.
  • Tartiib u mar wadooyinka hadda qoyay. Waxay noqon karaan kuwo saliid leh oo lagu sibqanaayo.
  • Iska ilaali caleemaha qoyan ee sidoo kale lagu sibqan karo.
  • Xili hore bareega qabo iyo markasta. Tariib u soco, sii naftaada masaafo dheer oo istaag, oo si fiican u qabo bareegaaga.
  • Iska ilaali tuurarka kuwaasoo qarin kara godadka hoos u qodan. U soo sheeg godadka wadada iyo khataraha kale ee wadada Laynka Gurmadka Dayactirka (PBOT) ee 24/7 shaqeeyo oo aad ka helayso 503-823-1700. Turjumaad ayaa la heli karaa.
  • Ka dheeroow meelaha la riinjiyeeyay ama wada birta ah.
  • Ka marin barafka, meelaha ciidu tuuran tahay, ama gaariyaasha kale ee xaalada degdega ah.
  • Tilmaamaha dheeraadka ah ayaa laga heli karaa bogga tilmaamaha Safarka Qaboobaha ee ODOT oo aad ka helayso xog ku baxaysa luuqado badan.

Tilmaamaha gaari wadista

  • Qorshee marinkaaga. Booqo Tusmadeena Xarunta Cimilada Qaboobaha si aad u aragto wadooyinka barafka iyo ceeryaamada ee kuugu dhow. Si aad u hubiso xaaladaha wadada iyo cimilada ee Oregon, booqo ODOT's TripCheck (luuqada Ingiriiska keliya).
  • Iibso silsiladaha. Ku tababaro inad ku isticmaasho  hawada qalalan, ku qaado gaarigaaga, oo adeegso. Si aad u hesho faahfaahin, booqo talooyinka xiritaanka wadooyinka iyo silsiladaha ee cimilada qaboobaha ee (PBOT).
  • Xaqiiji in taayiradaada si sax ah u aariyaysan yihiin, ayna leeyihiin giraagir wanaagsan, si aad iskaga ilaaliso inaad sidbato, sinbiqato, ama traaraxdo.
  • Raadi dadka jidka maraaya iyo baaskiileey baaskiil wada.
  • Si tartiib ah u socdaal. Wad gaariga, leexo, oo bareega u qabo tartiib.
  • Daar nalalkaaga si aad u kordhiso muuqaalkaaga ay arkayaan dadka kale.
  • Ha dhaafin baraf xaaqeyaasha, traagyada ciida, ama gaadiidka kale ee xaalad degdeg ah. Sii shaqaalaheena xataa bad dheeraad ah. 
  • Raac amarada xirista wadooyinka iyo jidgooyooyinka. Jebinta amarada ayaa keeni karta ganaaxyada aadka u daran.
  • Marka aragga ama xaaladu kasii daraan, HAKU istaagin laynka aad ku safrayso. Raadso meel amaan ah, oo sharci ah oo ka baxsan wadooyinka aan xaaqayno si aad ugu baakinto gaariga aadna sugto inta xaaladu kasoo hagaagayso.
  • Sido kiisha cimilada xaalada degdega ah. Agabka muhiimka ah ee aad ku darayso waa:
    • silsiladaha gaarigaaga
    • badeelka barafka
    • jawaan ciid ah
    • xargaha bootinta
    • kiishada gurmadka degdega ah
    • agabka aasaasiga ah (biinsada, baanad, mashiinka wax duleeliya, iyo mindi)
    • buste iyo dharka qaboowga
    • biyo iyo cunto dheeraad ah
    • taleefanka gacanta iyo jaajar dheeri ah
    • toosh
  • Tilmaamaha dheeraadka ah ayaa laga heli karaa bogga tilmaamaha Safarka Qaboobaha ee ODOT oo aad ka helayso xog ku baxaysa luuqado badan.

Tilmaamaha haddii aad ku xanibanto gaarigaaga

  • Ka bax wadada oo tag aag baakin oo amaan ah oo ka basan wadooyinkeena waawayn iyo marinnada aan barafka ka xaaqayno.
  • Sug inta xaaladuhu kasoo hagaagayaan.
  • Ha wicin 9-1-1. Keliya wac 9-1-1 haddii aad qabto xaalad degdeg ah oo caafimaad ama aad soo sheegayso danbi.
  • La joog gaarigaaga ilaa caawimaadu ku soo gaarto. Adeegso nanalkaaga xaalada degdeg ah, daar nanalka fareejada gaarigaaga, oo furo daaqada si aad u hesho hawo.
  • Haddii aad doorato inaad gaariga ka baxdo HA uga tagin seedka lagu safro. Tan ayaa hor istaagi karta shaqaalaheena iyo shaqaalaha kale ee gurmadka xaaladaha degdega ah. Gaarigaaga ayaa la ganaaxi doonaa, lala wareegi doonaa, waana la qaadan doonaa. Si aad u hesho gaariyaasha lagu jiifo baabuurta, boooqo search.autoreturn.com ama ka wac Diiwaannada Gaariyaasha ee Booliiska 503-823-0044.
  • U lugee adiga oo aad u taxadaraaya astaanka kuugu dhow ee gaadiidka dadwaynaha, maqaayad, ama hudheel.
  • Soo kaxayso gaarigaaga sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah.

Tilmaamaha iyo buugaagta xogta safarka oo la turjumay.

(PBOT) ayaa u turjuntay qaarkood tilmaamaha safarka qaboobaha warqada wararka oo qurux badan. Kasoo degso buug yaraha oo PDF ama Word ah kuna qoran Ingiriiis iyo nuqullada turjuman oo isfeer yaala si ay kaaga caawiyaan inaad hesho tilmaamo aad siiso bulshadaada sida aad doonto:

PDF

Word

Contact

Gurmadka Dayactirka shaqeeya 24/7 ee (PBOT)   

503-823-1700Waxaa la heli karaa 24/7 si aad ugu soo sheegto xaaladaha degdega ah ee khataraha wadada. Turjumaad ayaa la heli karaa.

Adeegga Macaamiisha ee (PBOT) (ka wac PDX 311)

311Information and customer service
503-823-4000Maalin kasta, 7 a.m. ilaa 8 p.m. (oo aysan ku jirin fasaxyada federaalka). Turjumaad ayaa la heli karaa.
711Oregon Relay Service

Follow on social media

Back to top