Translate this Page
Xog ku saabsan Dhulka Go'a ee Portland
Qaybo kamid ah Portland ayaa u nugul go'itaanka dhulka, gaar ahaana West Hills iyo meelaha taagaga ah ee dhana bariga. Roobka, meelah la xabaalay ee dabacsan, wadooyinka ka hooseeya dhulka, iyo waxyaabo kale ayaa ku soo xaaqi kara biyaha, dhoobada, iyo qashinka wadooyinka magaallada kadibna waxyeello u gaysan kara guryaha gaarka loo leeyahay.
Haddii aad dagan tahay aag lagu yaqaano in dhulku go'o, feejignoow, gaar ahaana xiliyada roobabka badan ama barafku dhalaalaayo. Ka saar qashinka jeexyada, kanaalada, iyo rakooyinka si biyaha daadku u helaan meel ay maraan.
Soo sheegida meelaha dhulka dumay
Haddii aad aragto calaamadaha dhulka dumay oo khatar ku ah badqabka dadwaynaha, si degdeg ah u qiimee, kadibna wac 9-1-1 marka ay badqab tahay inaad wacdo.
Dhulka dumay ee xiraaya wadooyinka ama geesaha wadada kuwaasoo aan ahayn khatar xaalad degdeg ah oo ku dhacaysa badqabka dadwaynaha, wac lambarka Gurmadka Dayactirka ee (PBOT) ee shaqeeya 24/7 oo ah 503-823-1700. Turjumaad ayaa la heli karaa.
Meelaha dhulka dumay ee guryaha gaarka loo leeyahay ee aan khatarta ku ahayn badqabka dadwaynaha ama xaqa wadada dadwaynaha, ka wac Waaxda Ogolaanshaha iyo Hormarinta ee Portland lambarka 503-823-2633. Turjumaad ayaa la heli karaa.
Goobaha jawaannada ciida
Ciida iyo jawaannada ciida ayuu BILAASH ku helayaa qof kasta oo u baahan si uu gurigiisa uga difaaco waxyeellada daadadka. Shaqaalaha magaallada ayaa xira goobaha kahor xiliyada xaaladaha degdega ah. Soo qaado badeelkaaga. Ma jiraan badeelo yaala meesha.
Goobaha:
- Lents Park. Oo ku taala aagga baakinka ee SE 88th Avenue, geeska koonfureed ee Holgate Boulevard. Raac wadada halka gees aada ee rastada ciida.
- Gabriel Park. Oo ku taala aagga baakinka ee SW 42nd Avenue iyo Vermont Street. Kasoo gal baakinka dhanka Vermont.