Good Neighbor Commitments

Information
Image of Urban Alchemy staff introducing themselves to a community member

Boggani waxaa markii u horreysay la daabacay 11.28.23-kii

Warbixinta Good Neighbor Commitments

Kooxda Adeegyada Hoyga Magaalada, oo ay ku jiraan Goobta Hoyga Beddelka ee Ku meel gaarka ah (TASS) iyo Safe Rest Villages (SRV), waxay aqoonsan yihiin in guusha hoy kasta oo la maareeyey uu ku xiran yahay in deris wanaagsan lala noqdo bulshada uu qaybta ka yahay.  Waxaan halkani ku tilmaamaynaa ballanqaadyada ugu yar ee Magaalada Portland ee ku aadan bulsho kasta oo tuulo ka jirto. Heshiisyada Good Neighbor waxaa ka wada xaajooda oo uu u dhexeeyaa daneeyayaasha, oo ay ku jiraan Magaalada Portland iyo ururada xaafada, goobaha qaarkood waxaana dhici karta in ay ku jiraan ballanqaadyo dheeraad ah oo ka baxsan kuwan halkan lagu sheegay. Halkani waxaan wax kula wadaagaynaa rabitaanka kooxdayada si loo hubiyo in tuulooyinka lala xisaabtamo, guulaystaan, la gaari karo oo ay ammaan u yihiin kuwa gudaha ku jira  iyo kuwa u dhowba. 

Kooxda Adeegyada Hoyga ee Magaalada Portland waxaa ka go’an kuwa soo socda:

1. Meel ammaan ah oo aan xero laga dhigan oo u dhow tuulo kasta 

Hoy kastaa wuxuu leeyahay aag ammaan ah. Tani waa xuduuda xerada oo ugu yaraan dhan 250-foot. Baaxadda aagga ammaanka ahi wuxuu ku xiran yahay goobta gaarka ah.

Aaggan ammaanka ah, in meesha laga saaro xerada la dego ‘campsite’ ayaa mudnaanta la siinayaa.  Tani waxay ka dhigan tahay in iyada oo aan la eegayn dhibcaha qiimeynta goobta (kaasi oo mudnaanta siiya in meesha wax laga saaro iyada oo lagu saleynayo shuruudo taxane ah), xero kasta ‘encampment’ oo ku dhextaala aaggani ammaanka ah ee u dhow hoyga Magaalada Portland waxaa mudnaanta la siin doonaa in meesha laga saaro.  Dadku sidoo kale waa in ay xerada ‘camp’ ku soo sheegaan midkood dhanka internet-ka ee goobta PDX Reporter ama iyaga oo wacaya 311, iyo sida xero ‘campsite’ kasta oo kale, waxaana lagu calaamadeyn doonaa in meesha laga saaro.  Fadlan ogow in Barnaamijka Ka qayb qaadashada Bulshada ee Safe Rest Villages.

2. Bixinta iyo martigelinta Guddiga Bulshada

Sida uu yahay codsiga ururka xaafada ee degaanka iyo/ama deriska u dhow, kooxda Adeegyada Hoyga ee Magaalada Portland waxaa ka go’an in ay si joogto ah ula kulmaan ururka xaafada ee degaanka, hawl-wadeenka hoyga, deriska u dhow, iyo dadka kale si looga wada hadlo macluumaadka cusub iyo xallinta dhibaatada si koox ahaan ah.

Kooxahani waxay u kulmi doonaan si joogto ah, aan ka ahayn iyada oo ay go’aamiso kooxdu in ay rabto in ay beddesho inta jeer ee la qabanayo kulamada ama joojiyaan.  

3. Khadad cad oo isgaarsiineed oo loogu talagalay deriska iyo bulshada

Hoy kastaa wuxuu yeelan doonaa khadka telefooonka si loo soo sheego arrimaha degdega ah oo si fudud looga heli kara website-ka hoyga, iyo sidoo kale iyada oo la adeegnayo 311.   Qofku wuxuu maclumaadkaasi ka heli karaa bogga Goobaha. Waxaa intaasi dheer, in Magaaladu leedahay email (shelterservices@portlandoregon…) iyo farriinta codka  (503-823-1340) kuwaasi oo loo isticmaali karo in lagu weydiiyo su’aalaha, lagu soo sheego wixii walwal ah, iyo haddii kale lagala xiriiroshaqaalaha barnaamijka wax ku saabsan hoygaasi.

Su’aalaha gaarka ah ee ku saabsan hawlgalada hoyga ayaa marka hore lagu hagaajin karaa hawl-wadeenka hoyga.  Haddii walwalka la qabo aan si dhakhso ah wax looga qaban, derisku waxay wici karaan ama email u diri karaan kooxda Adeegyada Hoyga ee Magaalada Portland si ay u sii daba galaan walwalkaasi la qabo. Su’aalaha kale ee ku saabsan hoyga waxaa lagu hagaajin karaa kooxda Adeegyada Hoyga ee Magaalada Portland ama waxaa loo keeni karaa Guddiga Bulshada (haddii mid la abuuray) wixii la xiriira wada hadal iyo sii dabagal dheeraad ah. 

4. Lahaanshaha Tilmaamaha Guddiga oo loogu talagalay hoy kasta

Dhammaan hoygu waxay ilaaliyaan kooxo ah Tilmaamaha Bulshada (Xeerka Anshaxa, Waxyaabo laga filayo Ka qayb qaataha, iwm.) oo ay tahay in dhammaan ka qayb qaatayaashu raacaan. Kuwani waxay ka hadlaan waxyaabaha la filayo ee aasaasiga ah ee loogu talagalay ka qayb qaatayaasha iyo hab-dhaqanka dadka ku jira gudaha tuulada.

Ka qayb qaate kasta, marka uu galo adeegyada hoyga, waxaa laga filayaa in uu dhowro degaan ammaan ah oo caafimaad leh oo loogu talagalay naftiisa iyo dadka kale. Haddii uu raaci waayo tilmaamahani, oo diido in uu beddelo hab-dhaqan, waxaa dhici karta in laga reebo adeegyada.

Dhammaan hoyga waa kuwo ay 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii shaqaale ka yihiin adeeg bixiyayaal u qalma, si ay gacan uga geystaan xaqiijinta in tilmaamaha bulshada la raacay, oo loogu talagalay badbaadada iyo fayo-qabka qof walba.

Hoy kastaa wuxuu leeyahay bogga internet-ka oo u gaara, kaasi oo ay ku jiraan Tilmaamahooda Bulshada iyo macluumaadka laga xiriirayo.  Qofku wuxuu maclumaadkaasi ka heli karaa bogga Goobaha. Haddii aad qabto walwal ku saabsan hab-dhaqanka ka qayb qaataha hoyga oo gaar ah, fadlan la socodsii hawl-wadeenka hoyga. Walwalka Dhanka asturnaanta ayay dhici kartaa in uu xaddido sida hawl-wadeenada u sii dabagali karaan kuwa soo sheega iyaga, laakiin walwalka la qabo oo dhan waxaa loo qaataa si dhab ah waxaana lagu sameeyaa dabagal.

5. Wadaagista xogta barnaamijka

Kooxda Adeegyada Hoyga Magaalada ayaa xogta saddexdii biloodba ka soo ururisa hawl-wadeenadeena hoyga, oo ay ku jiraan tirada dadka loo adeegay, macluumaadka qaab-dhismeedka dadka, meelaha laga baxo, iyo sidoo kale macluumaadka kale ee xubnaha ka tirsan bulshada iyo anaga oo ah maamulayaasha barnaamijka ahaan rabno in aan u fahamno. Tani waxaa la soo geliyay internet-ka Goobteena Xogta ‘Dashboards’. (TASS Dashboard; Goobta Xogta ‘Dashboards’ ee Safe Rest Village)

Back to top