Saamaynta Adeegyada Magaallada

Information
Halkaan ka fiiri xogtii ugu danbaysay ee eek u saabsanadeegyada magaallada ee saamayntu ku dhacayso inta lagu jiro shaqo joojinta bilaabatay Febraayo 2, 2023.
On this page

Febraayo 5, 2023

Magaalada Portland iyo LiUNA Lcal 483 ayaa gaaray heshiis aan mudadiisa la cayimin

Magaalada Portland iyo LiUNA Lcal 483 ayaa gaaray heshiis aan mudadiisa la cayimin. Shaqo joojinta sadexda maalmood ahayd waa dhamaatay, ayadoo lagu dhawaaqay heshiis mudadiisa aan la cayimin una dhexeeya Magaalada Portland iyo LiUNA Local 483, oo ah Shaqaalaha Magaalada Portland. Heshiisku wuxuu xaqiijinayaa sii wadista shaqooyinka biyaha wasaqda ah, baaritaanka wasaqda hawada, dayactirka wadooyinka iyo adeegyada gaadiidka beeraha raaxada. Si aad u akhrido heshiiska oo buuxa, gal lifaaqa hoos ku qoran:  

City of Portland and LiUNA Local 483 reach tentative agreement | Portland.gov (Magaalada Portland iyo LiUNA Local 483 ayaa gaaray heshiis aan mudadiisa la cayimin) | Portland.gov)


Febraayo 5, 2023

War saxaafadeedka wadajirka ah ee kasoo baxay Magaalada Portland iyo LiUNA Local 483, Shaqaalaha Magaallada Portland

Magaalada Portland iyo Shaqaalaha Magaalada Portland ayaa kulmay maalintii Sabtida, kadibna markay 12 saacadood wada hadlayeen, waxaa farxad noo ah inaan ku dhawaaqno inaan gaarnay heshiis aan muddo cayiman lahayn oo lagu gaaray heshiis gorgortan la isku raacay. Laga bilaabo Axada, Febraayo 5teeda, markay saacadu tahay 1:00 subaxnimo Shaqo joojita LiUNA, Local 483, Shaqaalaha Magaallada Portland ayaa lasoo afjaray.

Waxaan sugaynaa inaan la shaqo galno markale saaxiibadeena kale ee shaqada waxaana ku faraxsan nahay inaan sii wadno u adeegista bulshadaan, si wadajir ah.

Joint Statement from the City of Portland and LiUNA, Local 483, Portland City Laborers | Portland.gov (War saxaafadeedka wadajirka ah ee kasoo baxay Magaalada Portland iyo LiUNA Local 483, Shaqaalaha Magaallada Portland | Portland.gov)


Halkaan ka fiiri xogtii ugu danbaysay ee la xariirta adeegyada magaallada ee saamayntu ku dhacday inta lagu jiro shaqo joojinta. Haddii aad su'aalo qabto wac 311 ama su'aal u dir iimeelka laynka xogta Adeegga Macaamiisha ee Magaalada Portland, kaasoo ay shaqaale kaa qabanayaan Isniinta ilaa Jimcada, 7 a.m. - 8 p.m. *marka laga reebo fasaxyada dhawlada dhexe).

Xogta aasaasiga ah ee shaqo joojinta 

Magaalada iyo Shaqaalaha Maxaliga ah ee 483 - Shaqaalaha Magaallada Portland (Portland City Laborers), oo loo yaqaano PCL, ayaa ka wada hadlaayay heshiis cusub ilaa bishii Maarso 2022. Shaqaalaha PCL ayaa bilaabay shaqo joojin Febraayo 2, 2023 markay saacadu ahayd 12:01 a.m.   

Shaqaalaha Magaallada Portland (Portland City Laborers) ayaa wakiil ka ah 615 shaqaalaha Magaallada ah oo intooda u shaqeeya Waaxda Adeegyada Bii'ada (Bureau of Environmental Services) (95 shaqaale), Waaxda Gaadiidka ee Portland (Portland Bureau of Transportation) (278 shaqaale) iyo Waaxda Beeraha Raaxada iyo Nasiinada ee Portland (Portland Parks and Recreation (224 shaqaale) waxayna qabtaan shaqooyin ay ku jiraan hawlaha daawaynta biyaha, baarista wasaqda hawada, nadiifinta wadooyinka, iyo adeegyada beeraha raaxada.  

Duqa magaallada Wheeler ayaa ku dhawaaqay Talaabo Degdeg ah oo gacan looga gaysanaayo xal u helida joogsiga shaqada iyo in adeegyada loosii wado ilaa Janaayo 26, 2023.

Akhri war saxaafeedkii hore:

Adeegyada Bay'ada - adeegyada bulaacada iyo biyaha roobka ee  fataha 

Qof kasta oo dagan, soo booqda, ama ganasi ku leh Portland ayaa ku tiirsan adeegyada waaxda Adeegyada Bii'ada iyo adeegyada biyaha roobka saacad kasta maalin kasta. BES ayaa maamusha oo dayactirta labada xarumood ee daawaynta biyaha wasaqda ah, shabakad dhuumo ah, xarumaha biyaha bam gareeya, kaabeyaasha dhaqaalaha dabiiciga ah ee ka difaaca in biyaha daadku ay jeexaan wadooyinka kana difaaca in bulaacadu ku fatahdo dhulka.

Waxa aad filan karto    

Adeegyada aasaasiga ah ayaa si caadi ah u shaqaynaaya hadda. 

  • Haa – waad falaashi kartaa musqushaada, waad qubaysan kartaa, waadna dhaqan kartaa dharkaaga iyo weelasha – dhammaan adeegyada gurigaaga ama ganacsiga ayaa sidii caadiga ahayd u sii socon doona.

  • Haa – biyo waad ka cabi kartaa biyo tuubada. Laanta Biyaha ee Portland (Portland Water Bureau), taas oo biyaha la cabo oo tayo sare leh siisa dadka reer Portland, ayaan shaqaalaheedu qayb ka ahayn shaqo joojinta.

  • Haa – waxaad codsan kartaa in bulaacada lagaa qaado adoo wacaaya laynka tooska ah ee adeegga dayactirka magaallada oo shaqeeya 24/7. Shaqaalaha ayaa diyaar u ah inay jawaabaan: 503-823-1700.

Waxa aad samayn karto 

  • La socoshada shaqooyinka dhismaha –  Environmental Services ayaa dib u dhigi karta mashruucyada hormarinta bulaacada iyo biyaha roobka si loo wareejiyo heshiisyada iyo shaqaalaha inta lagu jiro waqtigaan.   

  • Boggaan kala soco wixii soo kordha. 

Maxay Environmental Services samaynaysaa inta lagu jiro xaaladaan 

Ayadoo shaqaaluhu yaraan jirto, Adeegyada Bay’ada (Environmental Services) ayaa diirada saaraysa sii wadista shaqooyinka daawaynta biyaha iyo dayactirada degdega ah si looga hortago in bulaacadu ku fatahdo dhulka.

Waaxda Adeegyada Bay’ada (Environmental Services Bureau) ayaa hawlgelisay qorshaheeda diyaar garoowga xaalada degdega ah waxayna:

  • Abaabulaysaa maamuleyaasha iyo kormeereyaasha si ay u buuxshaan shaqooyinka iyo sidoo kale inay raadsato qandaraasleey kale iyo shaqaale lagasoo qaato waaxaha kale.

  • Hawlgelinaysaa labo tookooyinka shaqada oo midkiiba 12 saacadood ah si loo hubiyo in adeegga daawaynta biyaha wasaqda ah lasii wado xili shaqaale yari jirto, Isbadel lagu samaynaayo nidaamka sadexda tooko ee shaqada oo midkiiba ahaa 8 saacadood.

  • Waxay joojinaysaa dayactirada kahortaga ah si shaqaalaha iyo waajibaadka qandaraasleeyda loogu wareejiyo daboolida baahiyaha dhanka shaqaalaha.

Beeraha Raaxada iyo Nasiinada   

Beeraha raaxada, goobaha dadwaynaha, goobaha dabiiciga ah, iyo xarumaha nasiinada ee Portland ayaa nolol iyo qurux u yeela magaaladeena. Adeegyadaan muhiimka ah ayaa dadka ku xira meesha, naftooda, iyo dadka kale. Dadka reer Portland ayaa ku faana aadna u jecel nimcadaan, taasoo taariikhda horey ku dhisay hormarinta jiilalka soo koraaya

Waxa aad filan karto   

Adeegyada beeraha raaxada ayaa si caadi ah u shaqaynaaya hadda. Kala go'a adeegga xarumaha beeraha raaxada ee Magaallada ayaa imaan kara waxaana kamid noqon kara:

  • Waxaa saamayn ku dhici kartaa badqabka, nadaafada iyo shaqada garoonnada iyo xarumaha beeraha raaxada. Inta badan musqulaha beerta raaxada ayaa loo xiray xiliga qaboobaha halka kuwa kalena u xirmi karaan shaqaale yari.   

  • Adeegga qashin aruurinta beeraha raaxada ayaa dib u dhac ku imaan karaa.

  • Dib u dhacyada ayaa ku imaan kara kormeerada garoonnada beeraha raaxada, aruurinta khatarta, codsiyada dalabka shaqada ee dayactirada waawayn, nadiifinta goobaha kubada, iyo xarunta dayactirka biyaha (barkada dabaashada iyo biyo sayrka).

  • U dhacyo ayaa ku imaan kara shaqooyinka ruqsad bixinta iyo maamulida iyo ilaalinta geedaha ee waaxda Dhirta Magaallada (Urban Forestry (UF), maaha keliya beeraha raaxada ee Magaallada.

  • Gurmadka degdega ah ee dhakhtarka geedaha si uu u xaliyo arimaha geedaha, ayna ku jiraan kuwa ka dhashay cimilada, ayaa saamayntu gaari kartaa. 

  • Saamayno ku dhaca dayactirka guud ee beeraha raaxada ayaa la arki karaa. Tan waxaa ku jiri kara,: caws jarista, simida dhirta, iyo gaabinta dhirta; waraabinta cagaarka, cayayaan ka buufinta cawska, nagaarka, ubaxyada; iyo dayactirka Garoonnada Goolafka ee Portland iyo dayactirka qalabka, iyo shaqada ilaalinta garoonnada.

Waxa aad samayn karto 

  • Boggaan kala soco wixii soo kordha. 

  • Wac 311 haddii aad wax su'aalo ah qabtid.

Maxay Portland Parks & Recreation samaynaysaa inta lagu jiro xaaladaan

Portland Parks & Recreation waxay muhiimada saaraysaa baahiyaha ugu daran ee nidaamka beeraha raaxada, ayadoo qaadanaysa shaqaale iyo kormeereyaal aan ahayn PCL.  Shaqada muhiimada la siinaayo waxaa ku jira amaanka beerta raaxada, dayactirka, qashinka gurka, iyo dedaallada ogolaanshaha. Waaxdu waxay u wacan doontaa qandaraasleyaal xirfad, iyo khibrad leh si ay xal ugu helaan xaaladaha degdega ah ee la xariira geedaha.

Gaadiidka

Waaxda Gaadiidka ee Portland (Portland Bureau of Transportation, PBOT)) waa iskaashade bulsho oo qayb ka ah jihaynta nolosha wanaagsan ee magaallada. Waxaan qorshaynaa, dhisnaa, maaraynaa aana dayactirnaa nidaamka gaadiidka oo badqab leh kaasoo siinaaya dadka ganacsiyada isku socod iyo isku xir. Waxaan siinaa Portland gaadiid la iskaga kala goosho.

Waxa aad filan karto   

Adeegyada soo socda ee PBOT ayaa mudnaanta la siin doonaa, laakiin dadwaynaha ayaa waajihi kara waqtiyada jawaabta oo ka gaabis badan sidii hore; xaqiijinta in wadooyinku xiran yihiin marka dayactir la wado, geedaha soo jaba, qashinka ama khataraha kale ee wadada iyo khataraha nadaafada; gurmadka barafka iyo qaboobaha; gurmadka daadadka wadada; gurmadka fatahaada bulaacada; dayactirka duleellada, muhiimad siinta wadooyinka saxmada badan; dayactirka mitirada baakinka ee jabay. 

Adeegyada soo socda ee PBOT ayaan hadda shaqaynayn: xaaqida iyo nadiifinta wadooyinka magaalada oo dhan; dayactirka joogtada ah ee calaamadaha wadooyinka; dayactirka tilmaamaha laymanka baaskiilka; dib u muujinta calaamadaha laymanka wadada baaskiilka; calaamadaha baakinka ee cusub ama kuwa badelka ah; dhajinta boorarka tilmaanta ah ee calamadaha iyo dhismeyaasha magaaladu leedahay; dayactirka geesaha wadada ee u baahan dayactirka hoose; adeegga wadada jaayga ah; nadiifinta, laymayna, kormeerka, iyo dayactirka fatahaada bulaacada/biyaha roobka; dhaqista geesaha moolalka magaalada; qurxinta geesaha wadada, waeejinta aaga cagaaran iyo maamulka geedaha bartamaha/dhexda wadada.     

Kadib markii shaqo joojintu dhamaatay, dadwaynaha ayaa sugi kara waqtiyo ka badan intii ay jawaabta ku heli jireen muddo aan la cayimin maadaama aan ka shaqaynayso codsiyada adeegga ee yimid intii lagu jiray shaqo joojinta.   

Waxa aad samayn karto 

  • Boggaan kala soco wixii soo kordha. 

  • Si aad u soo wargaliso khatarta wadada, wac Adeegga Gurmadka Shaqooyinka Dayactirka ee PBOT, oo wali la heli karo 24/7 marka xaalado degdeg ah jiraan adoo ka wacaaya 503-823-1700, ama iimayl u diraaya pdxroads@portlandoregon.gov si aad usoo gudbiso codsiga adeegga. Tusmada kore ka fiiri waxa aad filan karto xiliga gurmadka.

  • Si aad u soo sheegto cilad ka jirta mitirka baakinka oo aan shaqaynayn:

    • Soo degso abka Parking Kitty kadibna adeegso labarka 5 god ah ee ku qoran calaamada mitirka baakinka si aad lacagta u bixiso. Xog badan ka ogoow abkana kasoo degso barta parkingkitty.com
    • Ama, hel mitir kuu dhow oo shaqaynaaya. Xaqiiji in aad taqaano lambarka taargadaada si aad u geliso mitirka aad lacagta ku bixinayso.
    • Ama, haddii aadan heli karin dookhyadaan ama mitirada kuu dhow aysan shaqaynayn: Wac lambarka adeegga macaamiisha ee ku qoran mitirka (503-278-5410) si laguu caawiyo.

Maxay PBOT samaynaysaa inta lagu jiro xaaladaan

Xili shaqaale yari haysato, PBOT ayaa muhiimada siin doonta ka jawaabida xaaladaha degdega ah ee barafka, qaboobaha iyo daadka iyo badelida kaabeyaasha aasaasiga ah sida calaamadaha joogsiga, makr aloo baahdo. Kor ka fiiri faahfaahin dheeraad ah.

La xariir 311 si aad Su'aalo u waydiiso 

Halkaan waxaa ku yaala sida loona xariiro laynka xogta ee Adeegga Macaamiisha ee Magaalada Portland:

  • Iimeel ahaan: 11@portlandoregon.gov 

  • Taleefan ahaan: 311 ama 503-823-4000

    • Isniinta – Jimcada, 7 a.m. ilaa 8 p.m. (Marka laga reebo fasaxyada federaalka)
    • Adeegyada turjumaada ayaa la heli karaa 
  • Si aad u hesho Adeegga Oregon Relay: 711

Follow the City of Portland on social media

Facebook | Twitter | Instagram

Contact

PDX 311 Customer Service Program

phone number311Information and Customer Service
phone number503-823-4000Every day, 7 a.m. to 8 p.m. (excluding federal holidays) Interpretation available | Interpretación disponible | Phiên dịch có sẵn | 提供口译服务 | Доступна интерпретация | Tafsiir la heli karo | Доступний переклад
Oregon Relay Service711Oregon Relay Service

Follow on Social Media