Janaayo 21, 2025
Guddiga Maktabada Portland,
Maamulka Federaalka ee soo socda ayaa abuuray hubanti la'aan iyo isku dhexyaac ka jira dhammaan Portland, laakiin inta badan dhammaan dariska aan haysan sharciga iyo kuwa haysta sharciyada soo galootiga ku meel gaarka ah. Qorsheyaal ayaa la dejiyay si loo beegsado qoysaska loona carqaladeeyo nolosha malaayiin dad ah si “loo sameeyo hawlgalkii ugu wayn ee ah tarxiiltaariikhda Mareykanka.” Gobalka Oregon oo keliya, duulaankaas ayaa beegsan kara qiyaastii 108,000 oo qofama ka badan.
Dadka dariskeena ah ee aan haysan sharciyada iyo kuwa soo galootiga ku meel gaarka ah ayaa u soo maray wadooyin badan si ay u yimaadaan deegaankeena, qoys kastana wuxuu leeyahay qiso. Qaar badan ayaa haysta Difaacyada Dadka Carruurnimada ku soo galay wadanka, Aqoonsiga Ku meel gaarka ah ee Difaaca leh, shaqaalaha muhiimada la saaraayo iyo shaqaalaha xirfadda leh, iyo barnaamijyada magangalyo doonka, dhammaan barnaamiyada sharciga ee hadda waajahaya mustaqbalka bilaa hubantida ah.
“Goballada Qaxootiga Difaaca” ayna ku jiraan gobalka Oregon iyo goballada lamid ah ee California, Colorado, Illinois, iyo New York ayaa leh sharciyo iyo xeerar loo sameeyay inay difaacaan badqabka qoysaska aan sharciga haysan ayagoo yareynaaya ama joojinaaya wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka socdaalka ee federaalka.
Dad badan oo reer Portland ah ayaa hadda iswaydiinaaya su'aalo ku saabsan doorkeena maalmaha soo socda. Oregon waa gobal qaxootiga difaaca, taasoo ka dhigaysa magaaladeena magaallo soo galootiga difaac sharciyan iyo ruuxiyan ba. Sharciyada ilaalinta soo galootiga ee gobalka ayaa soo jiray ilaa sanadkii 1987, laakiin dhawaan ayaa lagu sii adkeeyay Sharciga Damaannada Ilaalinta Soo Galootiga oo soo baxay sanadkii 2021.
Sida ku cad sharciga Oregon, ciidanka socdaalka ayaan wax kaa waydiin karin aqoonsiga ama kuu diidi karin adeegyada ayagoo ku saleynaaya aqoonsiga. Shaqaalaha dadwaynaha iyo wakaaladaha sharci fulinta ayaa laga mamnuucay inay ka qaybgalaan fullinta hawlaha socdaalka ayagoo aan haysan damaanad garsoore. Ilaa in ciidanka federaalku haystaan maahee amar maxkamadeed oo qoran, kama dalban karaan maamulka deegaanka ama ma waydiin karaan shaqsiyaadka su'aalo la xiriira sharcigooda socdaalka.
Gobalkeena iyo hogaamiyaasha maxaliga ah ayaa muhiimada saaraaya xaqiijinta in uusan jirin qof loola dhaqmaayo si caddaalad daro ah sabab la xiriirta aqoonsgooda socdaalka. Sharciga Balan qaadka Difaac Soo galootiga ayaa waajib uga dhigaaya ciidanka booliiska maxlaiga ah inay qoraan dalabaad kasta oo uga yimaada ciidanka federaalka ayna xaqiijiyaan in sharciyada gobalkeena la raaco. Jebinnada laga shakiyo ee sharcigaan ayaa loo sheegi karaa Laynka Tooska ah ee Ballan Qaadka Difaaca Soo galootiga.
Dhammaan dugsiyada dawlada waa inay badqab siiyaan dhammaan ilmaha, ayadoo aan loo eegayn xaaladooda soo galootinimo. Dugsiyada dadwaynaha ee Oregon ayaa u taagan inay difaacaan ardayda aan sharciga haysan iyo xaqiijinta in maamullada dugsiga, shaqaalaha, iyo macalimiintu aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn ciidanka socdaalka federaalka ee aan haysan damaanada maxkamada. Sida ku cad sharciyadeena, ma jiro arday reer Oregon ah oo ay xiri karaan ciidanka socdaalka oo aan haysan damaanad asagoo jooga dhismaha dugsiga.
Maamulka cusub ee federaalka ayaa sheegay in goballada difaaca soo galootiga ayaa waajihi kara cawaaqibyada adag sabab la xiriirta mawqifkaan. Xubin loo Magacaabay Garyaqaanka Guud Pam Bondiayaa sheegay inuu doonaayo inuu dib u eegis ku sameeyo sharciga federaalka ee khuseeya maamul kasta oo diida inuu la shaqeeyo codsiyada laanta Socdaalka iyo Xuduudaha. Madaxwayne Trump ayaa dalbaday sharciyo cusub oo uu soo saaro Koongareeskakaasoo saaraaya ganaaxyo adag magaalooyinka iyo goballada soo galootiga difaaca, kuwaasoo ay ku jirto in loo diido maal gelinta federaalka. “Madaxa Xuduudaha” ee soo socdaTom Homanayaa qaaday tallaabo dheeraad ah kuna hanjabay inuu xabsiga dhigi doono gudoomiyaasha magaalooyinka difaaca soo galootiga.
Haddaa tihiin gollaha deegaanka, waxaan idin ka codsanayaa inaad iga caawisaan la xiriirista deegaanadeena si aan u siino taageero iyo khayraad. Waxaad soo degsan kartaa Galka Xogta ee Ballan qaadka Difaaca Soo galootiga ee cusub oo ku qoran ngiriis,Isbaanish, iyo shan luuqadood oo kaleaadna la wadaagto xaafadaha iyo ururada bulshada. Waxaad taageeri kartaa deeqaha iyo mutadawiciinta adeegyada kaalmada sharciga ee dadka soo galootiga ah. Waxaad ka caawin kartaa saaxiibadaada iyo dariskaaga inay fahmaan xuquuqdooda. Waxaad sidoo kale garab siin kartaa bulshooyinka diinta, sida Augustana Lutheran Church, taasoo jameecadeedu balan qaadeen inay difaacayaan bulshadeena bilaa sharciga ah. Eeg meel kasta oo kamid ah Portland waxaadna arkaysaa dad daryeel bixinaaya oo isgarab taagay dariskeena aan dukumiintiyada haysan iyo dadka ku jira xaalada socdaalka ee ku meel gaarka ah.
Warka tarxiilka dadka aadka u badan ayaa noqon kara mid cabsi badan, laakiin waxaan nahay bulsho taageero isa siiya.Portland ayaa qani ku ah kala duwanaanta bulshada, oo ah qiyam ay ku jiraan dadka soo galootiga ah iyo kuwa qaxootiyaasha ah kuwaasoo hadda wadanka soo galay. Waxaan isgarab taahaynaa qoysaskeena soo galootiga ah. Noloshooda, qoysaka, iyo ganacsiyada ayaa qayb ka ah bulshadeena adag waana inaan taageerno inta lagu jiro wakhtiyadaan adag. Waa inaan midoownaa si aan ugu noolaano mabaadii'da wadaaga ah ee magaaladeena ee ka caaganaanta cabsida iyo kahortaga faro gelinta federaalka ee maalmaha soo socda, wax kasta oo magaaladeenu waajahdaba.
Si xushmad leh,
Keith Wilson - Duqa Portland
Haddii aad aaminsan tahay in xuquuqdaada la jebiyay ama in adiga ama qof aad taqaano uu waajahaayo tallaabooyinka ciidanka socdaalka oo cadaalad daro ah, Oregon ayaa bixinaysa laynka gurmadka iyo khayraadka oonlaynka ah. Fadlan haka waaban inaad soo sheegto xadgudubyada ama aad raadsato taageero.
- LaynkaSanctuary Promise: Wac 1-844-924-STAY (1-844-6-AMPARO) si aad u soo sheegto xadgudubyada ka dhanka ah sharciyada gobalka Soo galootiga difaaca ee Oregon. Waxaad sidoo kale xadgudubyada qaab oonleen ah ugu soo sheegi kartaa baraha SanctuaryPromise.Oregon.gov ama PromesaSantuario.Oregon.gov.
- Laynka tooska ah ee Portland Immigrant Rights Coalition (PIRC, Isbahaysiga Xuquuqda Soo Galootiga ee Portland): Wac 1-888-622-1510 si aad u soo sheegto hawlgallada ICE ee gudaha Oregon.
- Laynka gurmadka ee United for Immigrant Justice (Midawga Caddaallada Soo Galootiga): Wac 541-968-6534 si aad u soo sheegto hawlgallada ICE ee gudaha Lane County.
- Laynka gurmadka ee United We Dream: Wac 1-844-363-1423 ama fariin qoraal u dir 877877 si aad u soo sheegto hawlgallada ICE ama xadgudubka.
Sharciga Oregon
ORS 181A.823
- Wuxuu ka mamnucayaa wakaaladaha sharci fulinta iyo waaxaha dawlada inay adeegyada u diidaan dadka ayadoo lagu saleynaayo xaaladooda socdaalka
- Wuxuu ka mamnucayaa wakaaladaha sharci fulinta iyo waaxaha dawlada inay xog ka uruuriyaan xaalada socdaalka ee qofka ilaa in sharcigu amraayo maahee
ORS 180.805
- Wuxuu ka mamnucayaa waaxaha dawlada inay xog ka waydiiyaan xaalada socdaalka ee qofka ilaa in sharcigu amraayo maahee
Sharciga Sanctuary Promise
- Wuxuu ka doonayaa laamaha booliiska ee heer gobal iyo heer deegaan inay qoraan, soo sheegaan oo diidaan codsiyada ka yimaada wakaaladaha federaalka ee la xiriira soo xirxirista soo galootiga
Wuxuu bixiyaa laynka gurmadka iyo barta oonleenka ah ee soo sheegista xadgudubyada ka dhanka ah sharciyada difaaca