See something we could improve on this page? Give website feedback.
Translate this page
Boggaan waxa uu bixiyaa macluumaadka dadka la xiray, su'aalo la waydiiyay, ama ay waxyeello u geysteen saraakiisha ICE ama saraakiisha kale ee booliiska federaalka ee Portland. Waxaa ku jira lifaaqyada caawinaada sharci ee bilaashka ah, siyaabaha loo gudbiyo cabashooyinka, iyo ilaha bulshada.
Haddii aad raadinayso inaad ka warbixiso dhibaato ka dhacday meel u dhow xarunta ICE ee Portland (sida buuqa, qoraalada xunxun ama goobaha kaamamka), booqo Sida loo soo sheego dhibaatada aagaga xarunta ICE.
Qof ayaa hadda la xirayaa
Haddii aad ku aragto saraakiisha ICE deegaankaaga, qof la xiraayo, ama aad u baahan tahay caawimaad degdeg ah:
- Wac Laynka tooska ah ee Portland Immigrant Rights Coalition (PIRC, Isbahaysiga Xuquuqda Soo Galootiga ee Portland): 1-888-622-1510
- Akhri Tusmada Gurmadka Degdega ah ee ACLU: Haddii IC timaado Deegaankaaga (ACLU Rapid Response Guide: If ICE Comes to Your Community)
Qof aan aqaano ayay xireen saraakiisha federaalku
- Wac Laynka tooska ah ee Portland Immigrant Rights Coalition (PIRC, Isbahaysiga Xuquuqda Soo Galootiga ee Portland): 1-888-622-1510
- Hel qareen, wac Equity Corps of Oregon (ECO): 1-888-274-7292 (waxay shaqeysaa Isniinta ilaa Jimcada laga bilaabo 9 ilaa 6 p.m.)
- Si aad uga warbixiso dhaqdhaqaaqa ICE ee meelaha la ilaaliyo sida maxkamadaha, dugsiyada iyo goobaha cibaadada, wac Khadka Taleefanka ee Oregon Department of Justice (Waaxda Cadaallada Oregon) ee Sanctuary Promise: 1-844-924-7829 / 1-844-626-7276
Waxaa waxyeelo ii geystay ama waxaan goob joog u ahaa waxyeelo uu gaystay sarkaal federaal ah
Haddii aad la kulantay ama aad aragtay fal xun sida isticmaalka xooga xad-dhaafka ah ee sarkaalka booliiska ee federaalka:
- Get medical care if you need it
- Duub wax kasta oo dhacay
- Qor magacyada, lambarka aqoonsiga ama calaamadaha gaariga
- Seyf gareyso sawiro, muuqaalo ama bayaanno kasta oo marqaati kac ah
- Gudbi cabasho ama raadso kaalmo sharci
- Cabasho u gudbi Waaxda Amaanka Qaranka, Xafiiska Taliyaha Booliiska (Department of Homeland Security, Office of Inspector General)
- U dir cabasho ACLU qaybteeda Oregon (ACLU of Oregon)
- Ka codso qareen Equity Corps of Oregon (ECO) ama Oregon State Bar
Fiiro gaar ah: Magaalada Portland ma kormeerto booliiska federaalka.
Baro Xaquuqahaaga iyo taageerada bulshada
Hel ilaha deegaanka iyo gobolka ee taageera soogalootiga iyo bulshooyinka qaxootiga ah ee Portland.
- Baro Xaquuqahaaga: Xuquuqaha Soogalootiga | ACLU of Oregon –Baro xuquuqdaada aasaasiga ah ee ku cad Dastuurka Maraykanka iyo sharciyada xuquuqda madaniga ah, iyo waxa la sameeyo haddii lagu xad gudbo.
- Agabka loogu talagalay Soogalootiga iyo Qaxootiga | Portland.gov –Adeegyada taageeraya soogalootiga, qaxootiga iyo dadka Porland ku cusub.
- Galka Oregon Sanctuary Promise (Ingiriisi) iyo Promesa de Santuario (Español) –Tilmaamo ka imaanaya Waaxda Caddaaladda ee Oregon oo sharxaya xuquuqahaaga ku cad sharciyada Oregon's Sanctuary Promise, iyo sida loo soo sheego xadgudubyada.
