Translate this Page
Adeegga caadiga ah
Qiimayaashu waxay dhaqan galayaan 1, 2024
Qashinka
Qarashka bishii lagaaga qaado qaadista qashinkaaga ayaa lagu saleeyaa mugga qasaca qashinkaaga. Waxaad dooran kartaa mug sida ugu habboon u deeqaaya baahiyahaaga. Si aad u badasho xajmiyada, wac shirkada qashinka kaa qaada. Qashinka waxaa la qaadaa labadii asbuuc ba mar.
| 20-galaan | 35-galaan | 60-galaan | 90-galaan |
---|---|---|---|---|
Qarashkii bishii | $36.70 | $42.00 | $47.00 | $53.85 |
Xadigga miisaanka | 60 bawn | 85 bawn | 135 bawn | 175 bawn |
Dib u warshadaynta iyo qashinka cuntada
Aruurinta asbuuclaha ah ee agabka dib loo warshadeeyo, qashinka cuntada, iyo aruurinta dhalada ayaa lagu darayaa adeegga qarashka qashinka.
| Dib u wargshadaynta (waraaqaha, biraha, caagaga) | Qashinka cuntada (qashinka cuntada iyo fagaaga) | Dhalada |
---|---|---|---|
Qasaca | Qasaca buluuga ah ee qashinka lagu riixo oo 60-galaan ah | Qasaca cagaaran ee qashinka lagu riixo oo 60-galaan ah | Qasaca jaallaha ah ee 15 galaan ah |
Xadigga miisaanka | 135 bawn | 135 bawn | 35 bawn |
Adeegyada Dheeraadka ah
Haddii aad kiraysato guri ama qayb ka mid ah dabaq, waydii maamulaha gurigaaga kahor intaadan aaga qashinka dhigin agab dheeraad ah.
| Qashin dheeraad ah | Qashinka dheeraadka ah ee fagaaga | Geedka fasaxa |
---|---|---|---|
Qarashka | $6.50 bacdiiba ama qasaciiba | $4.25 bacdiiba, baaldigiiba, ama qasaciiba | $5.25 halkii geed ba |
Xadigga miisaanka/xajmiga | 32 galaan / 40 bawn | Bac 30 galaan ah oo qashinka xaashida fagaaga ah / 40 bawn | jooga 6 fiid ugu badnaan |
Tilmaamaha | Ku xir meel u dhow qasacaaga qashinka ama maalinta qashin aruurinta. | Ku dhaji meel u dhow qasacaaga qashinka cuntada ee cagaaran. | Ku dhaji meel u dhow qasacaaga qashinka cuntada ee cagaaran. |
Agabka waawayn, ee balaaran: Codso in qiimaha laguu qiyaaso
Wac shirkadaada qashinka si qashinka loo qiimeeyo laguuguna sheego taariikhda qashinka la qaadaayo kahor intaadan dhigin geeska wadada. Qarashaadka ayaa kala duwan ayadoo ku xiran xajmiga agabka. Magaaladu uma dajiso qiimayaasha qaadista qashinka agabka waawayn. Si aad u hesho dookhyada fogaynta iyo ku deeqida agabka waawayn, la xariir 503-234-3000 ama booqo www.oregonmetro.gov/findarecycler.
Qiimayaasha dhammaan adeegyada la heli karo
Qiimayaasha dhammaan adeegyada qashinka, dib u warshadaynta iyo qashinka cuntada, ayna ku jiraan adeegga la dalbado, kan guryaha yaryar (2-4 guri xaafad ah) ama codsiyada gaarka ah:
Aaga Qashin Qaadista ee Geeska Galbeed: Qarashka geeska galbeed ayaa qabanaaya guryaha aaggaan, ayna ku jiraan kuwa ku yaala geeska galbeed ee Portland’s hillier halkaasoo ay isku socodka wadada oo daciif ah, baakino waawayn, iyo wadooyin cariiri ah, oo dabayl badan ay kordhiyaan qarashaadka aruurinta qashinka, dib u warshadaynta qashinka, iyo wasaqda cuntada.
Si loo go'aansho haddii guri ku dhex yaala Aaga Geeska Galbeed, ka fiiri ciwaanka barta www.portlandmaps.com: Qaybta Qashinka iyo Dib u warshadaynta (oo ka hoosaysa (“Adeegyada Guriga”), waxaad arki doontaa “Aagga Qasin gurka ee Geeska galbeed?” oo ay la socdaan “Haa” ama “Maya.”
Sida loo sameeyo qiimayaasha
Sanad kasta Laanta Qorshaynta iyo Dhawrista Deegaanka ayaa samaysa dib u eegista qiimaha si loo sameeyo qiimayaal cadaalad iyo sinaan leh oo laga qaadaayo qashinka ganacsiga ah iyo shirkadaha qashinka dib u warshadeeya si ay dadka uga qaadaan qarashka qaadista guryaha la dagan yahay, dib u warshadaynta iyo qashinka cuntada.
Dib u eegista qiimaha waxaa ku jira qiimayn uu samaynaayo dhaqaale yahan iyo Xisaab yahan Madax Banaan oo Shahaado Xirfadeed wata (CPA). Si loo go'aansho qarashka bixinta adeegga, Laanta Qorshaynta iyo Dhawrista Bii'ada ayaa qiimaysa qaybaha badan, ayna ku jiraan shaqaalaha, qalabka iyo qarashka shidaalka, miisaanka guud ee qashinka ku jira qasac kasta, qarashka fogaynta wasaqda adkaha ah iyo mida la daadsho iyo qiimaheeda suuqa iyo qarashka nidaaminta agabka dib loo warshadaynaayo.
Qiimayaasha lasoo jeedsho waxaa dib u eegis ku samaysa Gudigga Qorshaynta iyo Dhawrista Bii'ada ayagoo bulshadu maqlayso. Ugu danbayn, qiimayaasha ayaa loo gudbiyaa dawlada Hoose ee Magaalada si ay dib u eegis iyo dhaqan gelin ugu samayso.