Waxa la Filan karo Inta Dhismaha ay Socoto

Information
Photo shows a trench opening in the street and large construction equipment with workers inspecting work.

Bar shaqo oo ammaan ah

Waxaan doonaynaa in aad ammaan ku ahaato goobta shaqada. Fadlan ka fogeey carruurta, rabbaayaddaha, baaskiiladaha, baabuurta, iyo taraagyada oo dheeree qalabka, mishiinada, sahayda, iyo shaqaalaha dhismaha.

Buuq, gariir, iyo bus

Howsha dhismaha waxay abuurtaa buuq, gariir iyo bus oo waxay carqaladeysaa dhaqdhaqaaqa xaafadda caadiga.

Isu-socodka gaadiidka oo saameeyo

Howshu waxay gaabin doontaa isu-socodka gaadiidka ee xaafaddaada. Fadlan akhri calaamaddaha isu-socodka gaadiidka oo tilmaamaha shaqaalaha calanka sida ku siyaan raac.

Tagida gurigaaga ama goobtaada ganacsi

Waxaad awooddi doontaa inaad tagto gurigaaga ama ganacsigaaga, laakiin waxaa dhici karta in aad awooddi kari waydo in gaarigaaga aad dhigato meel u dhow barta aad jeceshahay in aad dhigato. Waxaan isku dayi doonaa in aan hubinno in meelaha ay buurta ay marto iyo meelaha baabuurta la dhigto barta laga helo ay furan tahay.

Xannibaadyada barta baabuurta la dhigto

Waxaan rabnaa inaad ammaan ahaato, sidaa daraadeed waxaa laga yaabaa in gaarigaaga aaddan dhigan karin meel u dhow goobta shaqada ka socoto, meelaha ay yaaliin qalabka, ama qalabka dhismaha. Haddii shaqaaluhu ay si toos ah uga shaqeynayaan gurigaaga ama goobta ganacsigaaga hortiisa, waxaad u baahan doontaa inaad gaariga dhigato meel kale.

Maqasiinka qalabka

Mararka qaarkood habeenkii waddada dhinaceeda waxaan uga tagi doonaa qalab, mashiinno, iyo sahayda. Fadlan isga fogoow.

Adeegga gacan ku haynta

Weli waad isticmaali kartaa bulaacadda, biyaha, iyo adeegyada kale inta aan ka shaqeyneyno wadadaada.

Saacaddaha shaqada

Saacaddaha shaqada waa 7:00 a.m. ilaa 6:00 p.m., Isniin ilaa Jimce. Mararka qaar waxaan ka shaqeynaa Sabti laga bilaabo 7:00 a.m. ilaa 6:00 p.m.

Is-beddelka jadwalka iyo dhaqdhaqaaq la’aan

Jadwalkeena shaqo sababo badan dartood ayuu isku isbeddelli karaa sida jawiga, isu-socodka gaadiidka, iyo dhibaabto dhanka qalabka, mashiinada, iyo sahayada aan isticmaalno darteed. Mararka qaarkood waxaan u baahannahay inaan joojino shaqada noocyo kala duwan ah oo aan haddana markale dib u bilawno.

Macluumaad dheeraad ah, fadlan wac 503-865-4300.

Turjumaad iyo Fasiraad: 503-865-4300