Su'aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee Deeqaha Yaryar

Information
Blue background with a large orange circle in the center. In the center of the circle is an image of an acorn of the Oregon White Oak. On the left of the acorn text reads "Mini grants." On the right of the acorn text reads "Big impact"
Ma doonaysaa inaad wax ka ogaato Deeqaha Yaryar ee PCEF oo ma qabtaa su'aalo dheeraad ah? Akhri si aad u hesho jawaabaha su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee la xariira barnaamijkaan.
On this page

Maxaa loo baxshaa Deeqaha Yaryar?  

Kooxaha Bulsada iyo ururada khayriga ah ayaa codsaday fursada deeq maal gelin ah oo lagu maal gasho codsiyada yaryar ee waqtigoodu cayiman yahay. Ururada, gaar ahaana kuwa yaryar, ayaa waajihi kara dhibaatooyin ku aadan codsiga deeqaha balaaran waayo ma haystaan awooda shaqaalaha ama khibrada qorista codsiga deeqda, baahiyahooda ilaha tababarka, iy doonistooda deeqo ay ku maal geliyaan mashruucyada yaryar ee bulshada. 

Deeqaha Yaryar ee PCEF ayaa jawaab u ah walaacyadaas iyo codsiyadaas lagu dalbanaayo fursad maal gelin oo fudud lana heli karo si loo taageero shaqo muhiim ah oo saamayn badan taasoo ururada yaryar, een khayraadka badan lahayn ay badanaa dhib ku qabaan maal gelinteeda. 

Ma jiraan xadiyo ku xiran inta jeer ee ururadu ay codsan karaan maal gelinta Deeqda Yar?  

Ururada khayriga ah ayaa codsan kara hal deeq rubuc sanadkiiba. Ururada ayaa lagusoo dhawaynayaa inay codsadaan deeq Yar rubuc sanad kasta, laakiin codsi kasta waa inuu noqdaa mid qaas ah mana noqon karo lacag loo raadinaayo isla mashruuc/munaasabad (tusaale, ururku ma codsan karo mana heli karo labo abaal marinta deeqda yar oo $5,000 si uu ugu baxsho $10,000 hal mashruuc).  

Maxaad filan kartaa markaad codsato?   

Codsadayaashu waxay heli doonaan xaqiijinta kadib markay diraan codsiga, ayadoo la raacaayo talaabooyin iyo jadwalka xigga. Dhammaan codsiyada waxaa la akhrin doonaa kadib marka muddada u cayiman rubuc sanadka codsiga lasoo diray ay dhamaato.   

Barnaamijka ayaa u sheegaaya codsadayaasha in loo xusho deeqda iyo in kale labo asbuuc gudahood kadib marka muddada rubuca loo mudeeyay dhamaato. Haddii aan la dooran codsadayaal u qalma, waxaa la siin doonaa dookh ay si ootomaatig ah ugu biiraan rubuca xigga ayagoon mar kale dib usoo codsan.    

Sidee ayaa dadka deeqda qaata loogu xushaa Deeqaha Yaryar?  

Ururada dhammaan noocyada kaladuwan ayaa u qalma inay codsadaan. Hannaanka Xulashada ayaa muhiimada siinaaya ururada yaryar (saddex shaqaale ama ka yar, oo shaqeeya waqtiga oo dhan, sanadka oo dhan) kuwaas oo matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF.  

Rubuc sanad kasta, kadib marka muddada codsigu dhamaato, shaqaalaha ayaa gelin doona codsiyada mid kamid ah lixda kooxood, ee hoos ku qoran.

  • Kooxda 1 - Ururada matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF, leh shaqaale 3 ah oo sanad dhan shaqeeya ama ka yar, ahna markii koobaad ee ay codsiga soo dirsadaan.

  • Kooxda 2 - Ururada matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF, leh shaqaale 4 ah oo sanad dhan shaqeeya ama ka badan, ahna markii koobaad ee ay codsiga soo dirsadaan.

  • Kooxda 3 - Dhammaan ururada kale ee ah codsadayaasha marka koobaad

  • Kooxda 4 - Ururada matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF, leh shaqaale 3 ah oo sanad dhan shaqeeya ama ka yar, horayna u qaadanaayay maal gelinta deeqda yar

  • Kooxda 5 - Ururada matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF, leh shaqaale 4 ah oo sanad dhan shaqeeya ama ka badan, horayna u helaayay maal gelinta deeqda yar

  • Kooxda 6 - Dhammaan ururada kale ee horay u helaayay maal gelinta deeqda yar

Haddii wadarta guud ee codsiga deeqda kooxda #1 ay ka badan tahay $100k, waxaan adeegsan doonaa xulasho qori tuur ah si aan u xulano cida helaysa maal gelinta kooxda #1. Haddii arrintaani dhacdo, kadibna lacagta rubuc sanadkaas ayaa gabi ahaanba aadaysa ururada kooxda #1.  

Haddii cadadka guud ee ay kooxda #1 codsatay ay ka yar tahay $100k, kadibna qof kasta oo ku jira kooxda #1 ayaa helaysa deeqda kadibna waxaan u guuraynaa hannaanka xulashada ee kooxda #2.  

Hannaanka ayaa sidaas usoo laalaabta ayadoo la siinaayo kooxaha muhiimada la siinaayo illaa dhammaan lacagta maal gelinta la qoondeeyo.  

Haddii maal gelinta guud ee dhammaan kooxaha oo la iskudaray ay ka yar tahay $100k, kadib markaas qof kasta oo ku jira dhammaan kooxaha ayaa loo xulan doonaa maal gelinta rubuc sanadkaas.  

Maxaa hannaanka xulashada qori tuur looga dhigayaa?  

Haddii wadarta guud ee maal gelinta la codsaday ay ka yar tahay #100,000 (cadadka la heli karo rubuc sanad kasta) hannaanka xulashada dadka helaaya Deeqaha Yaryar ayaan ahaan doonin mid qori tuur ah. Haddii wadarta guud ee maal gelinta la codsaday ay ka badan tahay $100,000, kadibna shaqaalaha ayaa adeegsan doona hannaanka Xulashada qori tuurka ah ee kooxaha muhiimada la siinaayo. (Arag su'aasha “Sidee ayaa dadka deeqda qaata loogu xushaa Deeqaha Yaryar?”)  

Hannaanka caadiga ah ee "hadba qofkii soo hormara, ayaa adeegga hor helaaya" wuxuu u faa'iidaynayaa ururada haysta waqti, shaqaale, iyo khayraad si ay safka hore uga galaan codsiyada. Ka dhigista codsiga mid iska furan iyo in xulashada laga dhigo mid qori tuur ah inta lagu jiro talaabo kasta oo hannaanka Xulashada kamid ah ayaa xaqiijinaysa in dhammaan ururadu aysan codsiga kusoo dirayn xaalado isku mid ah.  

Maxaa caymis looga doonayaa deeqaha?  

Magaalada Portland ayaa qasab ka dhigaysa caymisyada heerarka kaladuwan ayadoo ku xiran nashaadaadka la maal gelinaayo si loo hubiyo in dadwaynaha iyo deeq qaatuhu leeyihiin ilaha dhaqaale oo daboolaaya dhacdooyinka aan horay loo ogayn. Shuruudaha caymiska ayaa kala duwan ayagoo ku xiran sida maal gelinnada loo adeegsan doono. Shaqaalaha ayaa u sheegi doona dadka deeqda la siiyo heerka caymiska laga doonaayo.  

Waa maxay noocyada qaar ee shuruudaha caymiska ee suuragalka ah?  

Noocyada loo baahan yahay iyo heerarka caymiska ayaa ku xirnaan doona ujeedada codsadaha ee adeegsiga maal gelinta haddii la xusho. Haddii laguu doorto inaad hesho maal gelin, shaqaale ayaa kuu sheegi doona shuruudaha caymiska ee deeqdaada. Shuruudaha caymiska ee imaan kara waxaa kamid ah (laakiin kuma koobna):   

  • Mushaarka shaqaalaha ama shardi dhaafka (sharciga gobalka)   
  • Masuuliyada guud ee ganacsiga   
  • Masuuliyada isla xisaabtanta (marka aad adeegsanayso gaariga shaqooyinka deeqdu maal geliso)   
  • Adeegyada kale ee caymiska (marka aad toos ula shaqaynayso dadwaynaha/xubnaha bulshada)   
  • Xad gudub/anshax xumo (marka aad ku shaqaynayso carruurta ama bulshooyinka kale ee nugul)   

Sidee ayuu barnaamijku ku xaqiijinayaa in maal gelintu tahay mid hufan ayna gaarayso higsiyada PCEF?  

Dhammaan dadka deeqda qaata ayaa laga doonayaa inay soo sheegaan sida maal gelintooda ay u caawinayso wax kusoo kordhinta higsiyada PCEF si wax looga qabto isbadalka cimilada ayna u hormarinayso caddaalada isirka iyo bulshada. Waxaa sidoo kale laga codsanayaa inay ku daraan xog ku saabsan nashaadaadka la maal gelinaayo. Tusaale, haddii deeqda maal gelinta loo adeegsaday in lagu dhiibo waqtiga shaqaalaha, deeq qaataha ayaa laga codsan doonaa inuu keeno xog sida: Tirada saacadaha shaqaaluhu ay shaqeeyaan, qiimaha mushaarka, iyo nashaadada shaqaalaha inta lagu waqtiga mushaarka la bixiyo, natiijooyinka/bixinta adeegyada shaqada (tusaale dadka lala xariiray, munaasabadaha la qabtay, iwm.).  

Shaqaalaha PCEF ayaa bixin doona warbixinnada rubac sanad kasta una diraaya gudigga Deeqda ee PCEF ayna ku jirana magacyada dadka dqqda hela, xogta ku saabsan codsiyada maal gelinta, xog ku saabsan shaqooyinka la maal gashay, iyo guul kasta iyo/ama caqabado barnaamijku waajahay.   

Kadib sagaal billood shaqaalaha ayaa qiimayn ku samayn doona shaqada barnaamijka, ayna ku jiraan laakiin aan ku koobnayn dib u eegista noocyada iyo xajmiyada ururada maal gelinta helaaya, khibrada codsadaha/deeq qaataha, koontoyiyada la maal gashay, iyo adeegsiga lacagta, codsiga iyo shuruudaha soo sheegida. Shaqaalaha ayaa adeegsan doona natiijooyinka qiimaynta si ay wax uga badalaan barnaamijka si ay Gudigga Deeqdu u ansixiyaan.