Codso Deeqda Yar ee PCEF

Service
Deeqaha Yaryar ee PCEF, ururada ayaa codsan kara deeq lagu bixinaayo lacag dhan $5,000 nashaadaadka waafaqsan higsiyada PCEF ee kahortaga isbadelka cimilada iyo hormarinta caddaalada isirka iyo bulshada. Xog badan ka ogoow oo maanta codso.
On this Page

Xog ku saabsan Deeqaha Yaryar 

Waxay u baahan tahay waa fikirkaaga inaad ku biiriso. Maaha in talaabo kasta ay noqoto mid si said ah saamayn ugu yeelato cimiladeena iyo bulshooyinkeena. Barnaamijka Deeaqda Yar ee PCEF ayaa ah deeq rubuc ah oo lagu bixinaayo $5,000 nashaadaadka waafaqsan higsiyada PCEF ee kahortaga isbadelka cimilada iyo hormarinta caddaalada isirka iyo bulshada. Asagoo loo abuuray in looga jawaabo codsiyada bulshada ee maal gelin la heli karo, barnaamijka Deeqda Yar ayaa fursad u siinaaya ururada inay maal geliyaan adeegyo iyo shaqooyin badaan, ayna ku jiraan mashruucyada yaryar, nashaadaadka, iyo dhisida tayada.  

Ururada dhammaan noocyada kaladuwan ayaa u qalma inay codsadaan ayadoo muhiimada la siinaayo ururada yaryar ee u adeegga ayna hogaanshaan bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF. 

Mareegyada Deeqda iyo Waqtiga u cayiman Codsiga 

Codsiga ayaa markasta furan. Marka ururadu codsadaan, waxaa lagu dari doonaa mareegta xigta ee deeqda la bixiyo. Haddii codsade aan loo xulan mid kamid ah mareegta deeqda, wuxuu helayaa dookha ah in codsigiisa si ootomaatig ah loogu daro qiimaynta mareegta xigta ee deeqda la samaynaayo asagoon dib u codsan. 

Waqtiga u cayiman Codsiga 2021-2022 

  • Agoosto 1deeda, 2021  
  • Oktoobar 1deeda, 2021  
  • Janaayo 1deeda, 2022  
  • Abriil 1deeda, 2022

Kahor Codsiga

Kahor intaadan buuxin codsiga maal gelinta deeqda yar, fadlan booqo bogga dulmarka Deeqda Yar ee PCEF si aad u akhrido tilmaamaha, shuruudaha U qalmida, waqtiyada cayiman, iyo faahfaahinta kale ee muhiimka ah si aad u hubiso inaad fahmayso ujeedada deeqda, xadidaadaha, iyo higsiyada.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah,

Hadda Codso

Gal foomka codsiga oonleenka ah

Codsadayaasha doonaaya inay qabyo qoraal ka dhigaan jawaabahooda oo ku qoraan dukumiinti gaar ah ayaa akhrin kara liiska buuxa ee su'aalaha ku jira foomka PDF ka ah.

Inkastoo aan jecel nahay in codsadayaashu codsiyada kusoo diraan oonleenka, codsadayaasha doonaaya inay buuxiyaan codsiga PDF ka ayaa diri kara codsiga oo dukumiinti ahaan ay iimeelka ugu dirayaa pcefminigrants@portlandoregon.gov.