Caawimaada Deeqaha Yaryar ee PCEF

Information
Blue background with a large orange circle in the center. In the center of the circle is an image of an acorn of the Oregon White Oak. On the left of the acorn text reads "Mini grants." On the right of the acorn text reads "Big impact"
Kulannada xogta iyo saacadaha caawimaada ayaa la heli karaa si loo caawiyo dadka doonaaya inay xog ka helaan ama codsadaan Deeqaha yaryar.

Kulannada Xogta

Kulannada Xogta ee oonleenka ah si looga doodo Deeqaha Yaryar ee PCEF ayaa la qaban doonaa sanadka oo dhan. Casharada waxaa lagu baran doonaa u qalmida, sida loo codsado Deeqda Yar, iyo kulan Su'aal iyo Jawaab ah. 

Casharada xogta qaarkood ayaa diirada lagu saaraa kooxaha gaarka ah si loo hubiyo goob amaan u leh dhammaan codsadayaasha soo codsan doona si ay uga qaybgalaan iyo wada sheekaysiyo la xariira ay ka dhacayaan. Dhammaan qof kasta waa lagusoo dhawaynayaa ka qaybgalka casharka, inkastoo aan casuuno ka qaybgalayaasha si aan muhiimada u siino waqtiga xubnaha dadka mawduucu quseeyo. Duubista kulanka bulshada oo dhan ee furista xogta ayaa laga heli doonaa webseedkeena.

Saacadaha caawinta 

Ma doonaysaa in lagaa caawiyo Codsigaaga Deeqaha Yaryar? Ama, ma u baahan taay goob yar, oo diirad leh si aad su'aalo noo waydiiso? Ma waxaad keliya u baahan tahay inaad qorto aadna hesho jawaabaha su'aalahaaga isla markaba? Shaqaalaha PCEF ayaa diyaar u noqon doona saacadaha caawinta oonleenka ah si ay uga jawaabaan su'aalaha, kaaga caawiyaan tignooloojiyada, ama kuugu taageeraan qaababka kale. Saacadaha caawimaadka ayaa ku kooban 8 ka qaybgale si loo hubiyo in ka qaybgale kasta uu helo dareenka iyo caawimaada uu u baahan yahay.

Iska diiwanangeli saacadaha caawimaada

Waxaad isdiiwaan gelin kartaa illaa maalinta ka horaysa munaasabada. 

Saacadaha caawinta ayaa la qabtaa inta u dhaxaysa Juun iyo Agoosto 2021 labadii Arbacaba mar laga bilaabo 1-2da duhurnimo iyo labadii sabtiba mar laga bilaabo 9-10ka subaxnimo: 

  • Arbacooyinka laga bilaabo 1-2da duhurnimo: 6/23, 7/7, 7/21, 8/4, 8/18 
  • Sabtiyada laga bilaabo 9-10ka subaxnimo: 7/17, 7/31, 8/14, 8/28 

Su'aalo Dheeraad ah 

Ma qabtaa su'aal degdeg ah mana awoodi miyaa inaad timaado kulannada xogta ama saacadaha caawinta? Booqo Boggeenna Su'aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee Deeqaha Yaryar si aad jawaba u hesho ama iimeel u dir PCEFminigrants@portlandoregon.gov