Deeqaha Yaryar ee PCEF (Somali)

Information
Blue background with a large orange circle in the center. In the center of the circle is an image of an acorn of the Oregon White Oak. On the left of the acorn text reads "Mini grants." On the right of the acorn text reads "Big impact"
Barnaamijka Deeqda Yar ee PCEF ayaa ah deeq rubuc ah oo lagu bixinaayo $5,000 nashaadaadka waafaqsan higsiyada PCEF ee kahortaga isbadalka cimilada iyo hormarinta caddaalada isirka iyo bulshada. Raadi xog ku saabsan barnaamijka iyo sida loo codsado.
On this page

Waa maxay Deeqaha Yaryar  

Waxay u baahan tahay waa fikirkaaga inaad ku biiriso. Maaha in talaabo kasta ay noqoto mid si aad saamayn ugu yeelato cimiladeena iyo bulshooyinkeena. Deeqaha Yaryar ee PCEF ayaa ah deeq rubuc ah oo lagu bixinaayo $5,000 nashaadaadka waafaqsan higsiyada PCEF ee kahortaga isbadalka cimilada iyo hormarinta caddaalada isirka iyo bulshada. Asagoo lagu abuuray jawaab laga bixinaayo falcelinta bulshada, Deeqaha Yaryar ayaa fursad u siiya ururada inay maal gashaan nashaadaad badan, ayna ku jiraan taageerada qorista deeqda, mashruucyada yaryar, munaasabadaha, iyo tababarka.  

Ururada dhammaan noocyada kaladuwan ayaa u qalma inay codsadaan ayadoo muhiimada la siinaayo ururada yaryar ee u adeegga ayna hogaanshaan bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF.  

Ujeedada

Codsiyada caadiga ah ee codsiga deeqda iyo hanaannada ayaa noqon kara kuwo dhib badan in laga shaqeeyo, gaar ahaanna kooxaha yaryar ama ururada. Ururada yaryar ayaa sidoo kale heli kara cadad yar oo khayraadka kamid ah. Deeqaha Yaryar ee PCEF ayaa diirada saaraaya yaraynta caqabadaha ururada ka shaqeeya cimilada iyo sinaanta bulshada ayadoo la siinaayo fursadaan deeqda afarta waji ah taasoo caawinaysa maal gelinta yar, ee waqtiga gaarka ah leh ayadoo la adeegsanaayo codsi fudud. 

Xog badan ka ogoow sababta PCEF ay u bixinayso Fursada Deeqaha Yaryar

Cadadka Maal gelinta 

Barnaamijka deeqaha yaryar wuxuu leeyahay miisaaniyada guud ee sanadlaha ah oo dhan $400,000. $100,000 ayaa la baxshaa rubuc sanad kasta. Codsadayaashu waxay codsan karaan hal deeq oo dhan $5,000 rubuc sanadkiiba.  

Xog faahfaahsan ka ogoow xadadka maal gelinta iyo codsiga

Mareegyada Deeqda iyo Waqtiga u cayiman Codsiga  

Deeqaha yaryar ayaa dib u eegis lagu sameeyaa lana baxshaa rubuc sanad kasta. Codsiyada ayaa lasoo gudbin karaa markii la doono waxaana lagu dari doonaa mareegta xigta ee deeqda la baxsho. Haddii codsade aan loo xulan mid kamid ah mareegta deeqda, wuxuu helayaa dookha ah in codsigiisa si ootomaatig ah loogu daro qiimaynta mareegta xigta ee deeqda la samaynaayo asagoon dib u codsan.   

Waqtiga u cayiman Codsiga 

  • Agoosto 1deeda, 2021 
  • Oktoobar 1deeda, 2021 
  • Janaayo 1deeda, 2022 
  • Abriil 1deeda, 2022 

U qalmida 

  • Keliya ururada khayriga ah, ayna ku jiraan maal geliyaasha dhaqaalaha, ayaa codsan kara 
  • Mashruucyada samaynaaya hormarinta goob waa in lagu sameeyaa meel ku taala gudaha Magaalada Portland si loogu faa'iideeyo dadka dagan Magaalada Portland. 
  • Mashruucyada AAN lahayn wax hormarinno goobeed waa inay u faa'iideeyaan dadka Magaalada Portland. 
  • Codsiga Maal gelintu waa inuu hormarinayaa higsiyada PCEF ee ka hortaga isbadalka cimilada iyo kor u qaadista caddaalada isirka iyo bulshada (arag Yoolalka PCEF si aad u hesho xog dheeraad ah) 
  • Ururadu waxay soo gudbin karaa ugu badnaan hal codsiga deeqda yar ah rubuc sanadkiiba 
  • Codsi kasta waa inuu lahaado dalab gaar ah 
  • Codsiyadu ma noqon karaan kuwo dhaqaale kale u raadinaayao mashruucyada horay loogu maal gashay deeqaha PCEF 

Qarashaadka U qalma 

Dhammaan codsiyada maal gelintu waa inay taageeraan higsiyada PCEF ee xal u helida isbadalka cimilada iyo hormarinta caddaalada isirka iyo bulshada? Codsadayaasha waxaa la waydiin doonaa inay qeexaan codsiyadooda maal gelinta ayagoo adeegsanaaya qaybaha maal gelinta. 

  • Iibsiga Badeecooyinka: Tusaalayaasa waxaa kujira: waxyaabaha la daabaco, munaasabadaha cuntada, agabka tignooloojiyada, ku xirnaanshaha webseedka, agabka beer falida iyo xogta, qalabka 
  • Waqtiga Shaqaalaha iyo Ka qaybgalka Bulshada: Tusaalayaasha waxaa kujira bixinta qarashaadka shaqaalaha qoraaya deeqda, samaynta isku xirka bulshada, munaasabadaha Bulshada iyo mashruucyada, qorsheynta mashruuca, shaqooyinka maamulka, hormarinta gudaha Ururka 
  • Qarashaadka Xaadirista Tababarka, Aqoon Kororsiga, iyo Waxbarashada: Tusaalayaasha waxaa kujira dhiibista qarashaadka shaqaalaha si ay uga qaybgalaan aqoon kororsiyada waxbarashada, tababarada, munaasabadaha, iyo shirarka 
  • Adeegyada Qadaraaska: Tusaalayaasha waxaa kujira bixinta qarashka adeegyada qofka deeqda qoraaya, turjumaanka iyo fasiraada, fulinta kulannada, adeegyada naqshadaynta jaantuska, farshaxaniistaha/jilayaasha ah, caawimaad farsamo, qiimayno, isla xisaabtanka tamarta 
  • Qarashaadka la xariira shuruudaha PCEF: 
    • Qarashka damiinka dhaqaalaha: illaa iyo 10% wadarta guud ee cadadka maal gelinta 
    • Qarashka dheeraadka ah ee caymiska: Haddii shirkadaada caymisku doonayso qarash si ay u bixiso dukumiintiyada loo baahan yahay ee caymiska. 

Haddii aadan hubin in shaqo aad doonayso inaad fuliso ay u qalanto Deeqda Yar ee Maal gelinta ah la xariir pcefminigrants@portlandoregon.gov.

Tusaalayaasha codsiyada deeqda maal gelinta yar 

  • Heshiis la gal qof qora codsiga deeqda si uu uga caawiyo ururkaaga codsiga deeqaha la xariira cimilada  
  • Iibsiga geedo, ciid, iyo bacrimin si aad ugu fuliso mashruuca beerta bulshada 
  • Inaad ku bixiso qarashka qandaraasle si uu u sameeyo hubinta waxgalka tamarta dhismahaaga 
  • Inaad shaqaael u dirto tababar si uu wax badan uga ogaado tamarta nadiifta ah  
  • Inaad ku bixiso qarashka shaqaalaha si ay u nidaamshaan munaasabada wacyi gelint ee cimilada la xariirta 

Hannaanka Xulashada 

Ururada dhammaan noocyada kaladuwan ayaa u qalma inay codsadaan. Hannaanka Xulashada ayaa muhiimada siinaaya ururada yaryar (sadex shaqaale ama ka yar, oo shaqeeya waqtiga oo dhan, sanadka oo dhan) kuwaas oo matala una adeegga bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF. Rubuc sanad kasta, shaqaalaha ayaa dib u eegis ku samaynaaya codsiyada go'aaminaaya haddii ay u qalmaan maal gelinta iyo inkale. Haddii ay u qalmaan, codsadayaasha ayaa lagu dari doonaa kooxaha muhiimada la sinaayo ayadoo laga eegaayo xajmiga ururka, in ay matalaan ayna hogaamiyaan bulshooyinka muhiimada lagu siinaayo PCEF, iyo in ay horay u qaateen maal gelinta deeqda yar ee sanadkii lasoo dhaafay.  

Haddii codsiyada guud ee maal gelinta ee rubuc sanadka ay ka badan yihiin $100,000 ee la heli karo, shaqaalaha ayaa dooranaaya codsiyada ayagoo adeegsanaaya hannaanka xulashada qori tuurka ah oo lagu kala xulanaayo kooxaha muhiimada la siinaayo si looga fogaado faa'iidooyinka aan caddaalada ahayn ee hannaanka "hadba kii horeeyay, ayaa hor helaaya". 

Akhri xog faahfaahsan oo ku saabsan hannaanka Xulashada deeqaha Yaryar

Shuruudaha Heshiiska

Shuruudaha Heshiiska

  • Muddada heshiiska deeqda halka sano 
  • Labo dookhyada lacag bixinta ah ayaa la heli karaa: Lacagta buuxda ee hormariska ah ama lacagta soo magista ah ee buuxda 

Shuruudaha Wargelinta 

  • Warbixinta fudud ee halka bog ee warinta ah, xogta kooban ee dhaqaalaha, iyo risiidyada/qaan sheegyada dhaqaalaha. 
  • Xogta kooban ee dhaqaalaha iyo risiidyada/qaan sheegooyinku waa inay muujiyaan caddaynta lacag bixinta. 
  • Ma aqbali karno qaababka badan ee war bixinta (qoraal, muuqaal, cod, iwm.) iyo luuqadaha. Shaqaalaha PCEF ayaa isku dubaridi kara turjumaada, haddii loo baahdo.

Xog badan ka ogoow tallaabooyinka soo sheegida iyo isla xisaabtanka Deeqaha Yaryar

Shuruudaha Caymiska 

  • Shaqaalaha ayaa u sheegi doona dadka deeqda la siiyo heerka caymiska laga doonaayo. Shuruudaha caymiska ayaa kala duwan ayagoo ku xiran sida maal gelinnada loo adeegsan doono.  
  • Qaar kamid ah noocyada nashaadaadka iyo adeegsiga maal gelinta ayaa ka dhignaan kara yaraynta shuruudaha caymiska ama inaysan wax shuruudo ah jirin gabi ahaanba.  
  • Shaqada deeqda la siiyo oo ay ku jiraan munaasabadaha dadwaynaha ama in toos loola shaqeeyo xubnaha bulshada ayaa lahaan doona heerka ugu sareeya ee caymiska. 

Maxaa caymis looga doonayaa deeqaha? 

Su'aalo Dheeraad ah 

Ma qabtaa su'aalo dheeraad ah ama ma raadinaysaa faahfaahin dheeraad ah?

Sida loo Codsado

Kahor intaadan buuxin codsiga maal gelinta deeqda yar, fadlan ka akhri tilmaamaha, shuruudaha U qalmida, waqtiyada cayiman, iyo faahfaahinta kale ee muhiimka ah si aad u hubiso inaad fahmayso ujeedada deeqda iyo higsiyada. Markaad akhrido faahfaahinta barnaamijka, booqo bogga codsiga ee Deeqda Yar si aad u aragto una buuxiso codsiga.