Ka codso BPS helitaanka naafada, fasiraada luqadda, ama turjumaada (Somali)

Information
6 accessibility symbols: Wheelchair Accessibility, Access for Individuals Who Are Blind or Have Low Vision, Sign Language, Closed Captioning, Large Print, More Information. Two symbols showing translation and interpretation: a piece of paper with the letter A next to a piece of paper with a Chinese character, and a voice "bubble" with the letter A next to one with a Chinese character.
Nala soo xiriir si aad u codsato adeegyo bilaash ah si aan kaaga dhigno barnaamijyada iyo yaboohyada ka soo baxa Xafiiska Qorsheynta iyo Joogteynta mid aad heli karto. Tani waxa ka mid ah turjumaada luqadda iyo fahmitaanka Xeerka Naafada Maraykanka (ADA).
On this page

Xafiiska Qorshaynta iyo Joogteynta waxaa ka go'an inuu ka dhigo adeegyadeena, barnaamijyadeena, iyo hawlaheena kuwa ay heli karaan dadka luuqadaha badan ku hadla ama naafanimada qaba.  

Nala soo xiriir si aad u codsato helitaan

Si aad u codsato turjumaad, fasiraad, ama adeegyada helitaanka naafada, fadlan la xiriir 311 (Adeegga Gudbinta: 711).

Adeegyada helitaanka naafanimada

Waxaa naga go'an inaan xaqiijino dadka naafanimada qaba inay awood u leeyihiin inay helaan oo ay u gudbiyaan macluumaadka si waxtar leh sida dadka aan naafanimada qabin. Tani waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidnayn, jir ahaan, garashada ahaan, hadal ahaan, maqal ahaan, iyo/ama naafanimada aragga ahaan. 

Na soo ogaysii waxaad u baahan tahay waxaanu ka shaqayn doonaa inaanu ku siino si lacag la'aan kuugu ah. 

Tusaalayaasha qaark ee ka midka ah kaalmooyinka iyo adeegyada aanu bixin karno waa:  

  • Agabyada oo qaab kale ah
  • Turjumaanka Luqadda Calaamadaha Maraykanka (ASL).
  • Baddelka nidaamka ama habraaca

Ama wax ka baddellada kale ee la xiriira naafanimada si adiga ama qof aad taqaano aad si buuxda u heli kartaan barnaamij ama adeeg

Raadi tusaalooyin badan oo ah codsiyada wax ka beddelka macquulka ah ee ku aadan nidaamyada iyo habraacyada.

Adeegyada helitaanka luqadda

Waxaa naga go'an inaan ku siino macluumaadka dhammaan reer Portland luqad kasta oo la codsado.

Fasiraada luqadda ee taleefoonka lagu sameeyo

Waxaan bixin doonaa turjubaan bilaash ah. Markaad na soo wacdo, fadlan sheeg magaca luqadda aad u baahan tahay, waxaanu keeni doonaa turjumaan ku soo biira wicitaanka. Waxa laga yaabaa inay nagu qaadato dhawr daqiiqadood si aanu taleefoonka ugu soo darno turjumaan, markaa fadlan ha jarin.

Waxaad sidoo kale noo soo diri kartaa iimayl si aad u codsato wicitaan taleefoon oo turjumaan lala yeesho waxaanan kuu diyaarin doonaa wakhti aan ku soo wacno.

Turjumaada luqadda ee munaasabadaha

Waxaan ku siin doonaa turjubaan bilaash ah. Haddii aad ugu baahan doonta turjumaan munaasabada, fadlan noogu soo sheeg sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Waxaanu haysanaa fursadda ugu fiican ee lagu heli karo turjumaan diyaar ah haddii aan haysano ogeysiis shan maalmood oo shaqo ah ama ka badan. Si kastaba ha noqotee, dhib malahan si kasta oo ay u dhawdahay munaasabada, fadlan wali samee codsiga anaguna waxaanu sameyn doonaa dadaalkeena.

Agabyada la turjumay

Waxaanu bixin karnaa tarjumaada macluumaad kasta haddii la codsado. Waxaanu ku dadaali doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah inaan kuugu helno macluumaadka la turjumay, laakiin waxay qaadan kartaa ilaa laba toddobaad. Fadlan nala soo socodsii haddii codsigaagu uu degdeg yahay.

Xuquuqda Madaniga ah Cinwaanka VI iyo macluumaadka ADA Cinwaanka II

Waa siyaasadda Magaalada Portland inaan qofna laga saari karin kaqaybqaadashada, loo diidi karin faa'iidooyinka, ama aan lagu samayn karin midabtakoorka barnaamij kasta oo Magaalada ah, adeeg, ama hawl ku salaysan isir, midab, asal qaran, naafanimo, ama xaalada heerka kale ee la ilaaliyo.

U hoggaansanaanta Xuquuqda Madaniga ah ee Cinwaanka VI iyo ADA Cinwaanka II sharciyada xuquuqaha madaniga ah, Magaalada Portland waxay xaqiijinaysaa helitaan macnaha leh ee barnaamijyada Magaalada, adeegyada, iyo hawlaha Magaalada iyadoo si macquul ah u siinaya: tarjumaad iyo fasiraad, wax ka baddelo, xamilitaano, qaabab kale, iyo kaalmooyinka gargaarka iyo adeegyo.